Baaq ku aaddan in xarunta Jaamacadda Carabta laga dhigo meel AROOSYADA lagu qabto oo baxay

0

(Quddus) 13 Sebt 2020 – Waxaa baraha bulshada ka bilowday olole lagu saxiixayo barwo lagu doonayo in xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira loo bedelo hool aroosyada lagu dhigo kaddib markii ay todobaadkii hore diideen inay soo saaraan qaraar cambaareeynaya xiriirka Israel iyo Imaaraadka.

Kaddib kulan ay Wasiir Dibadeedyada Carabtu ay khadka la iska arko ku yeesheen, Xoghayaha Guud ee JC, Hossam Zaki ayaa sheegay in la isku raaci waayey in la qaato “qaraar ay wadatey Falastiin”, taasoo ka dhigan in qaddiyaddii Carabta/Muslimka iyo Israel lagu soo koobay mid Falastiin oo qura u taalla.

Mohammed Amas oo reer Qudus ah oo arrintaa ka falcelinaya ayaa sameeyey codsi danabeed ay saxiixeen in ka badan 3,000 oo qofood oo ku baaqaya in xarunta JC loo bedelo meel aroosyada lagu qabto.

“Waxaa yimid waqtigii si wanaagsan looga faa’iidaysan lahaa dhismaha waxa lagu yeero xarunta JC ee Qaahira si ay dadku uga faa’iidaystaan,” ayuu yiri Amas.

JC oo ka mid ah ururrada ay Somalia magac u yaal ahaanta u dhex fadhido, ayaa tan iyo markii la abuuray wuxuu ahaa urur fadhiid ah oo aan lahayn micne siyaasadeed iyo mid istaraatiji ah, isagoo kaliya lagu qaato maalin iyo laba halkaa laga jeediyo khudbooyin maalaayacni ah oo aan nuxur badan lahayn.

Hadalsame Media

Facebook Comments