Shiinaha oo si la yaab leh ugu dhega hadlay Somaliland & Taiwan (Mahmaah Soomaali ah oo uu…)

0

(Beijing) 13 Sebt 2020 – Hilinka Shiinuhu leeyahay ee China Global Television Network (CGTN) oo markii hore loo aqoon jirey CCTV ayaa si la yaab leh ugu dhega hadlay Somaliland iyo xitaa Taiwan.

Wuxuu hilinka CGTN oo ah mashiin lagu faafiyo dacaayadda nidaamka Beijing uu faraciisa Afrika uu boggiisa Twitter-ka kusoo qoray mahmaah Soomaali ah oo caan ah.

”Buur ahow ama buur ku tiirsanow waa mahmaah Soomaali ah. Subax wanaagsan Afrika.” ayaa lagu soo qoray bogga rasmiga ah ee CGTN.

Marka la eego xulashada mahmaah Soomaali ah oo micne gaar ah bixinaysa, waxaa ay dadka qaar u fasirteen mid uu kula dhega hadlayo Somaliland oo xiriir la samaysatay Taiwan oo aan ahayn dal la aqoonsan yahay, amaba wuxuu ku fooganaan karaa Taiwan lafteeda oo uu u sheegayo in aanay Somaliland wax badan kusoo kordhinaynin.

Hadalsame Media