”Horta taariikhda soo baro & inta aad xasuuqday inta aadan aadminnimo noogu khudbayn!” – Erdoğan oo weerar ku qaaday MW Faransiiska

0

(Ankara) 13 Sebt 2020 – MW Recep Tayyip Erdoğan ayaa weerar ku qaaday MW Faransiiska ee Emmanuel Macron oo uu u sheegay inuusan joogin meel uu Turkiga ugu khudbayn karo xuquuq insaan isagoo Paris xusuusiyey xasuuqii ay ka gaysteen Aljeeriya iyo Rwanda.

“Adigu (Macron) maba taqaanid taariikhda. Xita ma taqaanid midda Faranskiiska. Ha isku taataaban Turkey,” ayuu yiri Erdoğan oo ka hadlayey Jasiiradda Xorriyadda iyo Dimoqraadiyadda oo u Badda Marmara ee u dhow Istanbul mar la maamuusayey 40-guuradii kasoo wareegtey afgembigii ciidan ee Sebt. 12, 1980-kii.

“Nooguma khudbayn kartid bani’aadminimo,” ayuu raaciyey.

Macron ayaa Midowga Yurub ku juqeeynaya Turkiga oo uu ku eedeeyey inuu u dhaqmayo si aan “la aqbali karin” isagoo si gaar ah u adeegsanaya Giriigga, wuxuuna 7 dal oo Midowga Yurub ka tirsan kuna yaalla Badda Dhexe shir ugu qabtay jasiiradda Corsica “si go’aan midaysan looga qaato dowladda Erdoğan”, sida uu yiri Macron.

“Weligaa sidaa ayaad iigu dhibanaan doontaa,” ayuu yiri Erdoğan oo daba socdey warka Macron ee ahaa in aanu dhib ku qabin “Turki balse Erdoğan.”

Hadalsame Media