“Waxaa habeenkii la googoostaa rooggii la dhigay!” – Arrin ceeb ah oo ka socota Dhuusamareeb (Maamulka degmada oo….)

0

(Dhuusamareeb) 13 Sebt 2020 – Garoonka Kubadda cagta ee Dhuusamareeb oo dhowaan dayactir lagu sameeyay islamarkaana lagu gogley cows macmal ah ayaa wajahaya boob culus oo lagu hayo roogga cagaaran ee Garoonka lagu fidiyay, sida uu xaqiijiyey weriyaha maxalliga ah ee Cabdullaahi Rooble.

Kooxo burcad ah ayaa garoonka u dhaca gaar ahaan xiliyada habeenkii ah kuwaasoo jartay oo qaatay qaybo ka mid ah roogga garoonka la dhigay taasoo dhaawac weyn ku ah tayada garoonka iyo hormarkii lagu taamayay.

Dhallinyarada Isboortiga oo arrinkan u bandhigay Gudoomiyaha Degmada Md Geeda-qoroow ayaan ka helin jawaabtii ay ka filayeen.

“Markii qayb kale laga goosto iisoo sheega waan soo qabanaynaa qofkii mardanbe isku daya” ayuu laga soo sheegay gudoomiyaha.

Maamulka Isboortiga ee dhallinyarada oo arrinkan u bandhigay weriye Rooble ayaa dalbanaya in garoonka la geeyo ciidamo sugga amaanka oo si gaar ay uga ilaaliya boobkan ku socda roogga cagaaran kaasoi oo kharash badan lagu bixiyay sidii lagu hirgalin lahaa.!

Nasiib darro, maamulka degmada ayaa u muuqda mid aan fahamsanayn mas’uuliyadda ballaaran ee ka saaran amaanka degmada.

Hadalsame Media