7 dhaqan oo dhibaato wayn u gaysan kara KELYAHAAGA (Fadlan akhri)

0

(Tel Aviv) 10 Sebt 2020 – Waxaannu halkan idiinkugu haynaa 7 qodob oo khatar ku ah kelyahaaga, kuwaasoo kala;

1 – Kaadida oo La isku celiyo: haddii waqtiga kaadida Ay ku qabato aadan ku kaadinin oo aad isku celiso, wexey kor u qaadi kartaa halista inuu dhagax ku sameysmo killiyahaaga.

2 – In aadan biyo kugu filan cabin: biyo cab la’aanta wxey kugu hogaamin kartaa in killiyahaaga sunta ku bataan jirkana laga saari waayo.

3 – Cabidda badan ee cabitaanada sajalka ah waliba sokorta ka buuxdo: cabitaanada sokorta ku badantahay wexey dhibaato ku yihiin shaqada killiyaha.

4 – Hilibka Guduudan oo aad loo cuno: hilibka guduudan wuxuu kor u qaadaya in killiyaha shaqa ka badan shaqadooda ay qabtaan taasi oo dhibaato ku ah Shaqada killiyaha.

5 – In cusbo badan la isticmaalo: cusbada badan ee gasha jirkaaga wexey kugu sababi kartaa dhiikar iyo ineey killiyaha shaqa gabaan.

6 – Hurdo kugu filan inaadan helin: hurda LA,aanta wexey dhibaato ku tahay in Is nadiifinta iyo is cusbooneysiinta unugyada killiyaha meesha ka baxaan.

7 – In si aad ah loo cabo kafeega (coffee): maadada ku jirto kafeyga ee loo yaqaano (caffeine) haddii ay killiyaha ku badato wexey sababi karta isku dheeli tirnaan dhanka dheecaanada killiyaha ay muumusho kadibna howlgab uu ku dhoco killiyaha.

Waxaa Diyaariyey: Cabdiqani Cabdullaahi Samaale

Hadalsame Media