Maamullada oo soo bandhigay shuruudo is diiddan & waxa dib u dhigay shirkii maanta furmi lahaa

0

(Muqdisho) 10 Sebt 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhamaanba maamullada ka dhisan koonfurta Somalia kuwaasoo u yimid ka hadalka moodalka doorashada oo ay cag jiidayaan qaarkood.

Waxaa awal dhowr mar baaqday kulan rasmi ah oo dhexmari lahaa MW Farmaajo iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland kaddib markii ay shuruudo dhowr ah soo jeediyeen.

Warar kale oo aannu ka heleeyno ilo ku dhow Madaxtooyada iyo maamullada qaarkood, ayaa Hadalsame u sheegay in maamulladii shalay Muqdisho tegey ee KG Somalia, Galmudug iyo Hirshabeelle ay iyaguna shuruudo la yimaadeen, kuwaasoo aan weli la faahfaahin, waxaana la fahmayaa inay hadda maamulladu u kala jaban yihiin 2 garab.

Maamulladan ayaa ku shiray Baydhabo kahor intii aanay Xamar u dhoofin, waxaana warkooda laga fahmayey inaysan u calool fayoobayn madaxda kale ee qaadacday Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ku eedeeyeen inaysan u dhaqmin si ay mas’uuliyadi ka muuqato.

Axmed Madoobe ayaa isna la taagan dhowr shuruudood oo ay ku jirto mid sharci ahaan xitaa khalad ah oo la fahamsan yahay inay Kenya ku cadaadinayso, taasoo ah in Ciidamada DF laga saaro Gobolka Gedo.

Shirka oo lagu wadey inuu maantaba furmo ayaa sidaa darteed dib u dhacay iyadoo la rajaynayo in uusan kasoo horreeyn karin bilowga todobaadka soo aaddan.

Maamullada ayaan sharciyan xaqba u lahayn in wax laga waydiiyo doorashooyinka oo ay leeyihiin aqallo ku metela, waloow DF lafteeda lagu eedeeynayo hoggaan iyo qorsho xumo abuuray xaaladdan cakiran ee haatan taagan.

Hadalsame Media