RASMI: Sandro Tonali oo si rasmi ah ugu biiray kooxda AC Milan, tibxaha heshiiska

0

(Milano) 09 Sebt 2020 – Sandro Tonali ayaa ugu dambayn noqday laacib ka tirsan AC Milan kaddib markii uu iminka qandaraas la galay kooxdaasi oo uu maanta caafimaadka u maray, isagoo qaadan doona lambarka 8-aad oo uu caan ku ahaa Gattuso oo ah laacib uu ku daydo.

Laacibkan khadka dhexe ayaa Brescia uga yimid €35m oo euro, oo u kala jajaban €10m oo amaah sharafeed ah iyo €10m oo kale oo rigli ah iyo €15m oo bareemiyo ah, halka ay Brescia 10% ku yeelan doonto lacag kasta oo mustaqbalka lagu sii iibiyo.

Laacibkan 20-jirka ah oo ah taageere Rossoneri ayaa mar u muuqdey mid ku biiraya kooxda Nerazzurri oo uu la heshiiyey, balse meelo kale ayay u weecdeen, kolkaasoo ay Milan soo gashay kana faa’iidaysatey.

Agaasimaha Guud ee AC Milan, Ivan Gazidis iyo Maareeyaha Farsamada Paolo Maldini oo laacibka dhinac fadhiyey ayaa wada sheegay inay “ku faraxsan yihiin inuu Sandro Tonali oo ah laacib mustaqbal wayn lihi uu kusoo biiro AC Milan.”

Hadalsame Media