UK oo handaraabkii lagu celinayo Isniinta (Iska eeg waxyaabaha bannaan & kuwa mamnuuca ah)

0

(London) 09 Sebt 2020 – Dalka UK ayaa wajahaya handaraab cusub oo hor leh kaddib markii ay kordheen kiisaska cudurka coronavirus, wuxuuna iminka RW Boris Johnson soo jeediyey in ka badan 6 qofi aanay isu iman karin wixii ka bilowda Isniinta.

UK oo qorsheeyneysey inay xaaladdu caadi noqoto kahor bisha Diseembar, ayaa haatan wajahaysa in markale handaraabkii Maarso oo kale lasoo rogo, isagoo sheegay in aan la ogolaan doonin kobcitaanka kiisaska Covid-19.

Wixii Isniinta loo gaaro waxaa lasoo rogayaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:

  • Lama ogola inay kulmaan 6 qofood ka badan, waxayna khuseeynaysaa guryaha, bannaanka, baararka.
  • Ma khuseeynayso iskuullada iyo goobaha shaqooyinka.
  • Ma khuseeynayso aroosyada, janaasooyinka, iyo kooxaha ciyaaraha.
  • Ma khuseeynayso haddii ay guri iskula nool yihiin dad ka badan 6 qofood.
  • Booliiska waxaa la farayaa inay kala diraan wixii ka badan 6 qofood, isla markaana ay u jaraan ganaax £100 geni ah, haddii uu qofku falka ku celiyana markiiba ganaaxiisa la gaarsiiyo  £3,200 oo geni.

Hadalsame Media