Dalladda FPENS oo kashiftay arrin ardayda lagu ”kediyey” soona saartay 4 qodob oo khaldan (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2020 – Dalladda Waxbarashada FPENS ayaa War Saxaafadeed ay kasoo saartay natiijada Imtixaanka qaran oo ay hoobteen ardayda hal gobol oo ah Banaadir oo ah midka qura ee ay imtixaannada ilaalinaysey DF.

Waxay FPENS soo saareen 4 qodob oo muujinaya duruufo sabab u noqday inay dhacaan khaladaad waawayn, waxayna kala yihiin:

1 – Cudurka Covid-19 oo hakad geliyey habsami socodkii nolosha bulshada, gaar ahaan waxbarashada.

2 – Arrin kale oo lagu kediyey ardayda, kaddib markii imtixaannada oo awal laga keeni jirey fasalka ugu sarreeya dugsiga sare (Form 4), sanadkan laga wada keenay dhamaan afarta fasal ee dugsiga sare.

3 – Su’aalaha oo iska ahaa kuwo guud aan yeelan karin hal jawaab (Subjective Type), si ka duwan kuwa uu ardaydu u bartay jawaab sax ah (Objective Type).

4 – Ilaalinta imtixaanka oo aan loo sinnayn maadaama ay DF kaliya ilaalinaysey Gobolka Banaadir, kaasoo ay la yaab tahay in waloow ay imtixaanka galeen 25,449 misna 1% xitaa laga waayey 100-ka arday ee ugu sarreeysa, taasoo mustaxiil ah.

Waxay DF ka codsadeen inay arrintan dib ugu noqoto oo loo saaro dad ku xeel dheer waxbarashada.

Yeelkeede, sida muuqata DF ayaan weli u muuqanin mid dareensan xasaasiyadda arrintan, maadaama waxyaabaha uu musuqa iyo nin tooxsiga ugu darani abid ka jiri jirey ay koow ka tahay waxbarashadu loona baahan yahay in il gaar ah loo yeesho arrimahaas.

Hadalsame Media