”Haddii aydnaan ku noqon karin 8,000 oo dhacday sidee ku saxdeen +33,000?” – Wasiirka Waxbarashada oo ka dhaartay inay dib u eegaan imtixaanka lagu muransan yahay

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2020 – Wasiirka Waxbarashada DF Somalia, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa markale ka hadlay muranka dhashay imtixaanka ay qaadday DF oo laga sheegay khaladaad badan oo farsamo.

Marka laga soo tago tirada faraha badan ee la yiri waa dhacday waxaan sidoo kale isu miisaannayn qaabka loo saxay maaddooyinka, iyada oo ay dabiici tahay inuu ardaygu haddii aanu xisaabta ku fiicnayn ay sidoo kale adkaanayso inuu ku fiicnaado maaddooyinka sayniska ah.

Sidoo kale, haddii uu ardaygu ku fiican yahay luuqadaha, waxaa sidoo kale dhacda inuu ku fiicnaado maaddooyinka arts-ka ah, balse natiijooyinka marka aad eegto arrimahaasi si bay isu seeggan yihiin.

Wasiir Goodax oo la hadlay Barnaamijka Dood Wadaag ayaa si cad u diidey in dib u eegis lagu sameeyo natiijooyinka imtixaannadan.

”Haddii la yiraahdo rafcaan hallaga qaato, bal sidee loo saxayaa 8,000 oo arday. Wax dhacaya ma aha.” ayuu ku dooday Wasiirku, isagoo iska difaacay su’aal ku saabsanayd sida ay markii hore u sexeen imtixaannada in ka badan 33,000 oo arday, haddii aysan ku noqon karin 8,000?

Hadalsame Media