DF oo Muqdisho ku qabatay dad sita shahaadooyin been abuur ah oo ay jartay Puntland (Arag caddaynta)

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 10 qofood oo ka yimid magaalada Garoowe una dhoofayey magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dadkan ayaa sitey Shahaadooyin caafimaad oo been abuur ah oo muujinayey badqabka durayga COVID-19, kuwaasoo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Warqadahan ayaa markii lagu eegay hannaanka dhijitaalka ah ee lagu hubiyo asalnimada warqadaha (QR CODE) ayaa waxaa cadaatay inay yihiin waraaqo A4 ah oo la iska daabacay.

Kaaga darane, dadkan ayay Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay midkiiba ka xayuubsatay 50$ doollar, oo looga qaaday in caafimaadkooda la baaray, iyadoo aan loo qabanin shaqadii lacagaha looga qaatay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ahaa dadkii la qabtay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa guud ahaan haysta dhibaatooyin ka dhasha musuq, maamul xumo, mas’uuliyad darro iyo dhiigmiirad ay ku sameeyaan maamullo kala duwan oo lacago uga qaada adeegyo aan micne badan lahayn amaba aan jirin.

Waxaa sidoo kale aad u yar fursadda loo siiyo inay xisaabtamaan, taasoo ay dheer tahay shacab badan oo aanba ku baraarugsanayn inay xaq u leeyihiin xisaabtan.

Hadalsame Media