Hawada Gobolka California oo laga qabtay muuqaal argagax leh + Sawirro

0

(California) 09 Sebt 2020 – Sawirro werwer leh ayaa waxaa qabtay rakaab saarnaa dayuurad dul mareysey gobolka California ee KG Maraykanka, iyagoo soo sawiray qaac daruuro noqday oo ka dhashay kaymaha gubanaya ee Gobolkaasi.

Nin Twitter adeegsada oo la yiraahdo Gabriela, ayaa muuqaal ka duubey hawada sare markii ay dayuuraddu dooneysey inay ku degto garoonka LAX, isagoo sawiray qaac cufan oo ku hareereeysan garbaha dayuuradda, kaasoo gebi ahaanba qarinayey dhulka hoose.

Waxaa muuqaalkaas oo kale qabtay xubno ka tirsan qoyska weriyaha CNN ee Oliver Darcy, kuwaasoo u kala duulayey magaalada ilaa Salt Lake City oo iyadu ah gobolka Utah.

Darcy ayaa sheegay in rakaabku ay xitaa uriyeen qaaca ka imanaya kaymaha gubanaya iyaga oo ku dhex jira kabiinka dayuuradda.

Dab-damiska California ayaa tan iyo 15-kii Agoosto la dagaallamaya 900 oo dab-duureed, kuwaasoo si rikoodh jebis ah u kordhiyey heerkulka gobolka.

Waxaa gubtey dhul gaaraya 1.5 milyan oo hektar – ama 2,434 mayl oo jibbaaran, waxaana ku burburay ilaa 3,300 oo dhisme, halka ay dhinteen 8 qofood. Waxaa dabka la hardamaya ilaa 14,800 oo dab-damiye.

Hadalsame Media