Imaaraadka oo ka hadlay go’aanka ay qaadan doonaan haddii ay Israel weerarto Marinka Gaza

0

(Abuu Dabeey) 09 Sebt 2020 – Sarkaal sare oo Imaaraati ah ayaa sheegay in xiriirka ay Israel la yagleeleen aanu hakan doonin xitaa haddii uu nidaamka Tel Aviv weerar cad ku qaado Marinka Gaza.

Waraysi uu siiyey maalinlaha Israeli-ga ah ee Yedioth Ahronoth, Ali Al-Nuaimi, oo ah Guddoonka Guddiga Daafaca, Gudaha iyo Dibedda ee Golaha Federaalka Imaaraadka, ayaa hoosta ka xarriiqay in wax uu ku sheegay “heshiiska diirran ee Israel” uu u gegsan doono xitaa haddii “weerar lagu qaado Gaza”.

Israel ayaa aalaaba go’doomin iyo weerarro kala duwan ku qaadda Gaza, balse waxaa ugu darnaa kuwii dhacay 2008 iyo 2014, oo ay Ciidamada Israel halkaa ku qaadeen seddax weerar oo waawayn oo ka dhan ah marinkan go’doonsan, taasoo keentay inay halkaa ku dhintaan kumannaan Falastiini ah iyo burbur aan horay loo arag oo halkaa gaarey.

Al-Nuaimi ayaa dhanka kale sheegay in Dhaxalsugaha Imaaraadka ee Mohammad Bin Zayed uu si dhaqse ah u booqan doono Israel.

Hadalsame Media