”Dunidu hadda waxay qaadatay qaabka ay Sweden ula xaashay cudurka Covid-19 balse qiran mayso” – Dalalka Yurub oo bilaabay inay dersaan moodalka Sweden & Norway oo….

0

(Oslo) 09 Sebt 2020 – Norway oo ka mid ah dalalka galay handaraabka adag ayaa haatan waxay Sweden oo min biloow ilaa iminka aan marna handaraab la gelin kaga hormartay tirada kiisaska cusub.

Tusaale, Norway ayaa todobaadkii ugu dambeeyey wuxuu celceliska kiisaska cusubi yihiin 1.4 marka loo qaybiyo 100,000 oo qofba, halka Sweden ay haatan mareeyso 1.1 marka loo eego 100,000, sida lagu qoray VG.

Sida ku cad kuurgalka NRK, waxaa jirey 454 oo kiisas cusub ah Norway min Isniin ilaa Khamiis todobaadkii tegey, isla muddadaas waxaa Sweden laga diiwaan geliyey 564 kiis oo cusub, balse Sweden waa 10 milyan oo waxay ku dhowaad labalaab ka badan tahay Norway oo ah 5.4 milyan oo qofood.

”Hadda waxaa iska cad in dadka Sweden ku nool ay sameeyeen waxyaabo badan oo caqli gal ah sida inay kala fogaadaan, inay si firfircoon u raacaan talooyinka nadaafadda iyo faya-dhowrka si aanu cudurku u faafin,” ayuu yir Kaaliyaha Maareeyaha Caafimaadka Norway Espen Nakstad oo la hadlay NRK.

RAACITAANKA MOODALKA SWEDEN – Dalal badan oo Yurub ah ayaa waloow ay hadda kordhayaan kiisaska Covid-19 misna wax kastaahi furan yihiin, si la mid ah sidii ay Sweden yeeshay markii uu caalamku is xirxirey bishii Maarso iyo kahor.

”Maanta, qof kasta wuxuu raacayaa istaraatijiyadda Sweden ha badato ama ha yaraatee, balse cid taa qiranaysaa ma jirto” ayuu Svenska Dagbladet kasoo koobiyey Professor Antoine Flahault oo ah nin ku takhasusay cudurrada faafa wax ka dhiga Jaamacadda University of Geneva isla markaana ah Madaxa Institute of Global Health.

Wargayska ayaa sidoo kale la hadlay David Naborro, oo ah wakiilka UK ku metela WHO isla markaana ah Madaxa Iqtiraaca Caafimaadka Dunida ee Institute of Global Health Innovation ee Jaamacadda Imperial College London, kaasoo amaanay ”isfahamka iyo kalsoonida ka dhexeeya” muwaadiniinta iyo dowladda Sweden.

Balse khubarada qaar ayaan la dhacsanayn sida Sweden marna loo amaanayo marna loo shaydaamaynayo.

”Sweden waa la caayey, marna waa la amaanay, misna waa la caayey mar kale,” ayuu yiri Marc Van Ranst oo ka tirsan Machadka Belgian Institute of Public Health.

Dorit Nitzan, oo ah madaxa u diyaar garowga musiibooyinka ugu qaybsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa isna Svenska Dagbladet u sheegay in Sweden ay mudnaan leedahay.

”Ma aha in handaraab lasoo rogo si caabuqa cudurka loo xakameeyo. Dalalka kale hannaankii daryeelka caafimaadka ayaa dhulka galay, marka handaraabka ayaa noqday xalka qira ee ay hataan.” ayuu yiri.

Hadalsame Media