WHO oo sheegtay in Somalia ay safka hore ka gashay dalalka lunsaday dawadii durayga Covid-19

0

(Geneva) 08 Sebt 2020 – Wadamada Kenya, Zimbabwe, Uganda, Somalia iyo Nigeria ayaa safka hore kaga jira lunsashada lacagaha loogu talagalay la dagaalanka Covid-19 ee caalamku ugu deeqay sida lagu sheegay warbixin ka soo baxay hay’adda WHO.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in falalkaan musuqmaasuqa ah ay ku dhigmaan sida uu yiri dil loo geysanayo bukaanada uu asiibey cudurkaan.

“Heer kasta ama nooc kasta oo musuqmaasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuqmaasuqa la xiriira qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil.,” ayuu yiri.

”Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, waxaan qatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil.” ayuu daba dhigay Dr Ghebreyesus.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Odawaa

Hadalsame Media