”Somalia waxay Jaadka u joojisey inay gacanta naga maroojiso balse doorashada kaddib….” – MX William Ruto

0
Photo/CHARLES WANYORO A miraa vendor takes his produce for sale in Maua town, Meru county on September 5, 2020. The price for the stimulant is relatively low despite a decreased production due to loss of crucial export markets, the recent one being in Somalia. Farmers had planned to hold demonstrations to push the government to act.

(Nairobi) 08 Sebt 2020 – Jaadleeyda Miroowga ayaa dhegtooda lagu dhibciyey inay muddo dheer sugaan in dib loo furo suuqooda ugu wayn oo ah Somalia, sida uu ku taliyey MW Xigeenka hoos loo dhigay ee William Ruto.

Sida ay la tahay DP Ruto, Kenya ayaa uu sheegay in ay ku yara adkaatay inay wada xaajood diblomaasiyadeed la gasho Somalia oo ku mashquulsan olole doorasho qabsoomaysa dhamaadka sanadkan, waa sida lagu qoray Daily Nation.

Mar uu la hadlayey Weru TV, ayuu Mr Ruto tilmaamay in ay Somalia Jaadka u joojisey si ay ugu gorgortanto kaddib muran badeedkii dhex maray labada dal, kaasoo ay Somalia 2014-kii hor geeysey Maxkamadda ICJ kaddib markii ay Kenya sheegatay dhul dhan 100,000 km oo jibbaaran.

“Iyagu (Somalia) waxay Jaadka u joojiyeen inay gacanta naga maroojiyaan. Waxaan ku jirnaa wada xaajood ku saabsan in labada arrimood lakala saaro, balse doorashada ayaa arrinta xagal daacinaysa,” ayuu yiri Mr Ruto.

At the same time, the DP urged miraa growers to diversify their farming to cushion themselves from the market shocks.

“Beeraleeyda Rift Valley, oo horay galleey u beeri jirey hadda waxay u weecdeen macadamia oo lowska lagu sooco iyo afokaadaha oo lacag laga helo. Waxaan Wasaaradda Beeraha ugu baaqayaa inay taageeraan beeralayda suuq waysan si aysan u faqrin,” ayuu daba dhigay, waloow uu Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Munya uu Sabtigii beeralayda u sheegay inay sabraan oo wada hadal socdo kaddib markii ay beeralayda Jaadku ku hanjabeen inay dibed bax dhigayaan.

Hadalsame Media