”Haddii aan Turkiga oo naga xoog badan la dagaalno Faransiis noosoo gurman maayo” – Xildhibaan Giriig ah oo dalkiisa u digey

0

(Athens) 08 Sebt 2020 – Xildhibaanad Giriig ah ayaa dalkeeda ku dhaliishay inuu Turkiga maagayo isagoo isku halleeynaya Faransiiska oo aan hadhoow waxba u qaban doonin marka ay xaaladdu xumaato jeer ay labada dal isku hayaan Bariga Badda Dhexe, sida ay qabto iyadoo Turkiga ku tilmaantay dalka gobolka ugu xooggan.

“Qofna jacayl uu Giriig u qabo uguma soo gurman doono hadhoow. U dhiman maayaan danaha Giriigga,” ayay tiri Liana Kanelli, oo xubin ka ah Baarlamanka Giriigga iyadoo ka socota Xisbiga Shuuciga ah ee Communist Party of Greece, oo shir jaraa’id qabatay.

Waxay iskaashiga ay Athens la samaynayso Paris ku tilmaantay “khalad wayn,” Kanelli, oo sidoo kale weriye ah, waxayna dadka Giriigga xusuusisay in MW hore ee Faransiiska ee Giscard d’Estaing, uu ahaa ninkii u ololeeyey inay Giriiggu ku biiraan Midowga Yurub, balse markii dambe ku dooday in laga saaro.

Waxay kaloo soo qaadatay RW hore ee Alain Juppe, oo 2017 MW isu sharraxay, kaasoo ku dooday in Giriigga laga saaro Midowga Yurub iyadoo aan “juuq loo oran.”

MAXAA LA ISKU HAYAA? Giriigga ayaa doonaya inuu joojiyo sahanka saliidda iyo gaaska ee uu Turkigu ka wado xeebihiisa, iyaga oo ku doodaya in jasaa’ir yar yar oo Giriiggu leeyahay oo ku dhow xeebaha Turkigu ay leeyihiin qalfoof qaaradeed iyo Aag Dhaqaale oo Gaar ah, taasoo la mid ah midda ay Yaman ku doonayso jasaa’irka Socotra.

Si kastaba, Turkey ayaa muujiyey in waloow ay tani ka horjeeddo Xeer Badeedka Caalamiga ah in misna laga wada arrinsado oo xal wadar-guul ah laga gaaro, balse dalal uu Faransiisku ka mid yahay ayaa Giriigga, oo ah dal qaamaysan, gadaal ka juqaynaya, isagoo xitaa hubaynaya Qubrusiyiinta Koonfuureed oo Giriigga hoos taga, isla markaana dayuurado deeq iyo iib iskugu jira siinaya Giriigga.

Dalal Muslim ah oo ay Masar iyo Imaaraadku ka mid yihiin ayaa sidoo kale hiillo u muujiyey Giriigga, balse uma muuqato mid intaa dhaafsiisan.

Hadalsame Media