XOG CULUS: Madaxda Mamullada KG Somalia, Galmudug & Hirshabeelle oo shir u gaar ah Baydhabo ku qabsanaya

0

(Baydhabo) 07 Sebt 2020 – Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu Baydhabo ku qabsoomayo kulan gaar ah oo ay yeelanayaan Maamullada KG Somalia, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Kulankan oo ay xoguhu sheegayaan inuu berriba ku qabsoomi karo magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Maamul-goboleedka KG Somalia ayaa waxaa iskugu imanaya MW KG, Cabdicasiis Laftagareen, midka Galmudug, Cabdikariin Qoorqoor iyo midka Hirshabeelle Max’ed Waare.

Seddaxdan Maamul-goboleed ayaa la fahamsan yahay inay ka xun yihiin hab-dhaqanka Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo iyaga oo aan sabab micne leh sheegin qaaddacay shirkii 3-aad ee Dhuusamareeb 3.

Shirkan ayaa marka uu dhaco kaddib waxay 3-da maamul soo saari doonaan War Saxaafadeed ay ku caddayn doonaan mowqifkooda iyo wixii ay talo ku gaaraan.

Dhanka kale, madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho iyaga oo shirar kala duwan la yeeshay MW Farmaajo oo lagu eedeeynayo inuu awoodi kari waayey inuu ka baaqsado inay maamulladu 2 garab u qaybsamaan.

Hadalsame Media