DEMBIILE DA’YAR: Sweden oo laga fikirayo in carruurta u janjeerta DEMBIYADA la bar garto iyaga oo aad u yara waxna laga qabto (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 04 Sebt 2020 – Sida uu Booliisku sheegay, dembiyada gacan ka hadalka ah ee Sweden ayaa si wayn usii darsanaya, iyadoo uu Taliyaha Booliiska Sweden, Anders Thornberg, uu ku celceliyey in loo baahan yahay in wax laga qabto qalalaasaha gaangiska.

Ha yeeshee,  Michael Tärnfalk, oo ah macallin jaamacadeed wax ka dhiga arrimaha bulshada gaar ahaan carruurta iyo dembiyada, ayaa soo jeediyey in haddii dhallinyarada iyo carruurta xilli hore lagusii diyaariyo dugsi horaadyada loo yaqaan förskolan-ka oo taasi ay qayb ka noqon karto xalka arrintan.

Hadalsame Media