”Siyaasad dhug la’ oo ku dhisan ”reer hebel ku dhac” waa midda ay Somalia ku dhibtootay”

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2020 – Colaadda daaqa iyo ceelasha ka dhalata qabaa’ilku waa ka heshiiyaan oo muddo badan ayaa lagu daaqaa laguna biyo-cabbaa heshiiskaas. Khilaafka siyaasadda lagama heshiiyo haddii heshiis la saxiixana ma meelmaro.

Daaqa, biyaha iyo xooluhu meesha ay nolosheenna kaga jiraan waa naqaan marka faa’iidada iyo khasaaraha ka iman kara waa qiyaasi karnaa.

Laakiin siyaasadda wanaaggeeda iyo xumaanteeda waxa ka dhalan kara ma naqaan.

Waa sida xiddigaha habeenkii cirka ka soo dhaca aan u niraahno ‘Gaalo ku dhac’ annagoon dib u sii eegin inay gaalo ku dhacday iyo in kale.

Sidaas ayaan go’aamada siyaasadda u niraahnaa ‘reer hebel ku dhac’ annagoo meesheenna iska fadhina.

Go’aamadii siyaasadeed ee lixdankii khasaaro iyo faa’iido waxay lahaayeen maanta ayaan ku noolnahay. Haddaan taas ognahay, waa inaan si niyad ah u saxnaa go’aamada maanta.

Haddii aad ku faanaysid gool siyaasadeed oo reerkaagu maanta dhaliyeen, ogow in berri laguu faani doono. Inta qof ciil ku maqan yahay, nabaddu waa maqan tahay.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media