Elon Musk oo soo bandhigay MASHIIN ku shaqeeya caqli macmal ah oo CABSI badan abuuray!

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2020 – Bilyoneerka Elon Musk ee Mulkiilaha Shirkadaha SpaceX iyo Tesla Ayaa Afar Cisho Ka Hor Soo Bandhigay Qalab Mustaqbalka Adamaha Ama Basharka Dunidan Ku Nool Badali Doona 20-ka Sanno ee Soo socda Gabi Ahaanba Cabsi Badana Dad Badan Ku Abuuray.Shirkadiisa Neuralink Layidhaahdo oo Ah Shirkad Nearotechnology ah oo Baadha Cilmiga Acsaabta Neuroscience Ayaa uu Ku Soo Bandhigay inay Sameeyeen Shariixad Yar oo Shilinka Leeg oo aad u Yar oo ah 8 millimeters oo Maskaxda Dadka Lagu Talaali Doono Kadib Qaliin Fudud oo Saacad Qaadan Doona Qofka Maskaxdiisa Lagu Galin Doono.

Mashiinkan idiin Muuqda Ayaa Qaliinkaa Sameen Doona, Hada Waxa Lagu Tijaabiyey Laba Doofaar oo Marxaladii Xayawaanka Ayey Tijaabadii Maraysaa.

Qalabkaa yari Waxa uu Kuu Sii Sheegi Doonaa Ka Hor Xanuun Noocuu Doono Hanoqdee intaanuu Kugu Dhicin Ayuu Ku Sii Ogaysiin Doonaa Jidhkaaga oo Dhan.

Sidoo Kale Qalabkani Marka Lasii Horumariyo Waxa uu Qofka Ka Caawin Doonaa in Qof Kale oo isna Xidhan Qalabkan in aad Maskaxda Ka Wada Sheekaysataan oo Aydaanba Qoraal iyo Hadal Caadi ah idin Dhex Marin oo Sheedaa iska Fahantaan idinka oo Maskaxda Kawada Hadlaya oo Waliba Hadaad Doontaan is Hortaagan ama Kala Maqan Midkiinba Meel Kale Joogo!

Sidoo Kale Computerkaaga iyo Talefankaaga Ayaad Maskaxda Ka Hagi Doontaa Adiga oo aan Gacan ula Tagin oo aan Shidin Ama Damin.

Xitaa Messegeka Facebook Ama WhatsAppka Kuugu Soo Dhaca Adoo indhaha isku Haya oo Sariirtaadii Jiifa Ayaad Halkaa Ka Akhirsan Doontaa oo Talefankaagu Kaa Fogyahay.

Sidoo Kale Qalabkan Maskaxda Lagu Rakibayo Waxa uu Kuu Sahli Doonaa Aragtidaada indhaha in uu 100 Jibaarmo oo indhahaagu Meel Fog Wax Ka Arkaan, Sidoo Kale Xasuustaadu Ay Noqoto Sida Computerka oo Waxii aad ilowday Markiiba Soo Xasuusan Karaysid Hadaad is Tidhaahdid Xasuuso.

Qalabkan Maskaxdaada Ku Jira Ayaa Sida Talefanka Loo Chargergareen Doonaa Marka uu Dabku Dhaco Qalabkale oo La Socda Ayaa Wireless ahaan u Chargergareen Doona.

Maalin Dhaw Technologyadu Heer Waxay Gaadhi Doontaa in Maskaxda Laga Wada Sheekaysto oo Qoraal iyo Hadal Laga Gudbo

Waxaa Diyaariyey: Xasan Maxamed

FG: Ilaah unbaa og wixii dhici doona, balse insaanka wuxuu ogaysiiyaa wax aysan ogayn

Hadalsame Media