Masar oo ka carootey codsi ay Suudaan u gudbisey Maraykanka & tillaabo yaab leh oo ay ballan qaadeen

0

(Khartuum) 03 Sebt 2020 – Afhayeen u hadlay Ururka Masriga ah ee Cadaaladda iyo Horumarinta, Zidan Al-Qinai, ayaa cambaareeyey war uu sheegay Guddoonka Golaha KMG ah ee Suudaan. Jeneraal Abdel Fattah Al-Burhan, oo soo jeediyey in calanka Suudaan la saaro jasaa’irka Halayeb iyo Shalateen. 

Ururka ayaa ku dooday in Halayeb iyo Shalateen ay yihiid dhul Masar leedahay sida ku cad heshiiis ay Suudaan ogayd oo ay wada galeen Masar iyo Britain, isagoo intaa raaciyey in ay Masar ogolaatay inay qabaa’il Suudaani ihi ay baaqi kusii ahaadaan jasiiradahaas, iyada oo la dhowrayo derisnimada labada dal, sida uu yiri.

Al-Qanai ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii ciidamada Suudaan la geeyo Halayeb iyo Shalateen ay ka dhalan doonto xiisad ba’an oo xadka ka kacda, maadaama la taabanayo madax bannaanida Masar, isagoo Masar ugu baaqay inay ciidamo aad u hubaysan halkaa u diraan.

Suudaan ayaa sidoo kale looga digey inay kiiska Halayeb iyo Shalateen ay hor geeyaan Golaha Amaanka ee QM, kaddib markii ay Masar ogaatey inay Suudaan sidoo kale ay Washington kaalmo arrintan ka waydiisatey markii uu booqday Wasiir Dibadeedka Mike Pompeo.

Al-Burhan ayaa Washington iyo Pompeo waydiistey inay Masar cadaadis ku saaraan kiiska Halayeb, isagoo markaa ballan qaaday inuu caadiyeeynayo xiriirka Suudaan iyo Israel.

Waxay u muuqataa inay madax badan oo ka taliya dalalka Muslimka ihi ay Israel ula saaxiibayaan iyaga oo ku xumaynaya dal kale oo Muslim ah.

Hadalsame Media