Ruushka oo HUB Turkiga halis ku ah ku caawinaya Suuriya (Shuruud ku xiran)

0

(Moscow) 03 Sebt 2020 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay inay hannaan loogu tala galay in daroonka lagu dilo ay siinayaan dalka Suuriya, sida ay sheegtay Aram Media.

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei, ayaa ku dhawaaqay in Suuriya la siinayo hannaanka Ruush sameega ah ee Sapsan-Convoy oo ah daroon dile casri ah.

Warka Shoygu ayaa waxaa la socota in qalabkani uu yahay mid aan weli diyaar ahayn oo tijaabo u baahan.

“Haddii tijaabada lagu guulaysto, waxaan u diraynaa Suuriya.” ayuu ballan qaaday Wasiirku.

Arrintan ayaa ah tillaabo si dadban uga hor jeedda Turkiga oo ciidamo uu isagu taageero isla markaana hubeeyo ay ku sugan yihiin Suuriya iyo Libya, kuwaasoo ay jug xun u gaysteen daroonno uu Turkigu sameeyey.

Hadalsame Media