Maxaa keena inuu kali taliyuhu talada saaxiga ah seego? (Waxaa jira arrimo cilmu-nafsigu nooga sheegayo!)

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2020 – Keligii taliye oo dhami meel xun ayuu ku danbeyaa kani waa Alexander Lukashenko waxa uu hogaaminayay dalka Belarus ilaa sanadkii 1994kii maalintii shalay ahayd waxay ku beegnayd dhalashadiisii isagoo noqday 66 jir.

Doorashadii dalka ka dhacday dhawaan waa uu ku shubtay gabadhii mucaaridka ahayd ee la tartamaysayna dalkaba waay iskaga carartay markii amaankeedu halis galay.

Hadaba shalay waxa i soo jiidatay dadkii ku mudaharaadayay waxay hor yimaadeen madaxtooyada waxayna qaadeen heesta loogu hambalyeeyo qofku marka uu buuxiyo sanad ku kordhay cimrigiisa iyagoo u muujiyay ixtiraam waxayna heesta daba dhigayeen ”fadlan mudane is casil dalkana ka qabo doorasho madax banaan.”

Balse markii uu dheg u jalaqsiin waayay codsigaas waxay ugu yeedheen qadar yar dabadeeed ”jiiryahaw ama dooliyahaw” hadba sidaad u taqaan ”iscasil namaad samaysane.”

Maalin dhaw ma laga yabaa Inaynu aragno ninkaas odayga ah oo raadinaya meel uu u cararo sidii ku dhacday keligood taliyayaal badan oo iyagoo Sharaf leh laga kariwaayay iscasila.

Haddaba, si aad u ogaato cilladda nafsaaniga ah ee haysata kali taliyaha oo marar badan talada ku seea xaqiiqada oo uusan la haysan, maqaalkan Ingirisiiga ahna akhri…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Cawad Maxamed