”Wuxuu si edeb daran ii yiri ”waryaa!” – Museveni oo ka sheekeeyey waxa kala qabsaday askari Kenyan ah oo Soomaali moodayey

0

(Kampala) 31 Agoosto 2020 – MW Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa ka sheekeeyey arrin ay askarta Kenyan-ku badanaa kula dhaqmaan Soomaalida oo isaga lagu khalday hadda kahor.

Museveni oo 60-meeyadii mar ku noolaa Nairobi, ayaa muujiyey in uu arrintaa ka xumaaday, isagoo sababta ku sheegay in aysan kaliya ahayn erayga kaliya, balse qaabka uu u yiri askarigii u yeerayey isaga oo Soomaali moodaya.

”Hadda kahor mar aan Nairobi ka wadey shaqo hoosaadyadaydii, qaab edeb darro ah, ma ogayn waxa uu ula jeedey,” ayuu yiri Museveni.

”Sida cad se waxaan fahmayey inuu igu khaldayey Soomaali oo aan ula ekaaday.” ayuu daba dhigay.

Ciidamada Kenya, gaar ahaan Booliiska ayaa caan ku ah inay qof kasta oo Soomaali ah, lab iyo dheddigba ugu yeeraan ”waryaa”, iyadoo luuqad ahaan marka maamuuska afafka laga hadlayo ay ”waryaa” tahay kelmad muujinaysa xushmad darro.

Hadalsame Media