HESHIIS DHACAY: Sandro Tonali oo kusoo biiraya kooxda AC Milan & tibxaha heshiiska

0

(Milano) 30 Agoosto 2020 – AC Milan ayaa la sheegayaa inay la heshiisey laacibka khadka dhexe ee hibada leh ee Sandro Tonali, kaasoo ay kusoo qaadatay amaah ay ku iibsan karto €30m + bareemiyo.

Weriyaha hilinka Sky Sport Italia, Fabrizio Romano iyo warbaahino kale oo Talyaaniga ah ayaa wada qoraya in fiidkan ay heshiis qalinka ku wada aaseen Maareeyaha Qaybta Farsamada Milan, Paolo Maldini iyo MW Brescia Md Massimo Cellino.

Milan ayaa hordhac ahaan u bixinaysa amaah sharafeed ku kacaysa €10m, iyada oo hadhoow laacibka si rigli ah ugu wada iibsan karta €20m ay bareemiyo dheer tahay, waxayna ku fariisanaysaa wax ka yar €35m oo ay Inter Milan ay mabda’iyan kula heshiisey bishii Abriil.

Yeelkeede, Milannews.it ayaa qoraya in Brescia ay mustaqbalka cad ku yeelan doonto laacibka haddii ay Milan lacalla dib u iibiso, waxayna heli doontaa boqolleey dhan 10-15%.

Calciomercato.com, ayaa isagu wax u kala dhigaya €10m oo amaah sharafeed ah, iyo €15m oo ay dheer tahay €10m oo bareemiyo ah iyo 10% ay saami ahaan Brescia u heleeyso haddii laacibka dib loo sii gado.

Inter Milan ayaa Tonali heshiis afka ah la gaartey bilo dhowr ah kahor, balse waxay go’aansadeen inay ka baxaan si ay diiradda u saaraan laacibiin uu dalbaday Antonio Conte, sida Arturo Vidal oo Juve u hanqal taagaya iyo N’Golo Kante.

Dhanka kale, Brescia ayaa doonaysey in iibsiga waajib laga dhigo, balse Milan ayaa ku qancisay in ikhtiyaari laga dhigo.

Tonali oo 20-jir ah, ayaa saxiixi doona qandaraas soconaya 5-sanadood oo uu sanadkii ku qaadanayo €2m oo euro oo nadiif ah sanadkii, isagoo sidaa ugu biiraya kooxdii uu taageeri jirey ilaa carruurnimadiisii.

Milan oo uu xalay kusoo noqday  Zlatan Ibrahimovic oo isna heshiis cusub saxiixay ayaa hadda diiradda saaraysa soo laabashada Bakayoko oo uu isna wada xaajoodkiisu socdo.

Hadalsame Media