TODOBADA TAKOORAN: 7-da hab-dhaqan ee muujinaya in federaalku aanu Somalia faa’iido u lahayn (Waa arrimo soo noqnoqda)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2020 – Waxaa hubaal ah in federaal ku sheegga Somalia loo sameeyey in Somalia lagu sii furfuro kaddibna lagu fiiqdo.

Haa waa federaal ku sheeg, waayo ma jiro nidaam uu waafaqsan yahay oo caalamka ka shaqeeya.

U fiirso tillaabooyinka ay ku dhisan tahay siyaasiyiinta qaar oo ay caddahay in wax loo yeeriyo.

1 – Wixii dalka u dan ah diid

2 – Wixii dalka u daran ku dadaal

3 – Marka aad gobol kale tagtay 10 cunug oo yaacaysa iska hormari. Mararka qaarna ka tag, waayo waxaad u socotaa “federaal aad isku reer fulaan tihiin”. Bal maxaa faa’iido ah oo waxaas ku jira.

4 – Marka aad dal shisheeye tagtid, Alloow may Islii ahaatee adigoo dhiiqo ka tillaabsanaya halugu arko.

5 – Mar kasta ku baaq faragelin dibadeed, damaanad shisheeye iyo shirar duleedyada ka dhaca.

6 – Kun shir ku baaq balse midna ha fulin.

7 – Adeer dalku waa federaal – Qodobkani yuu ciyaar kula noqon, waayo waa midka shacab badan oo aan federaalka fahamsanayn lagu laqsiiyo inuu federaalkuba sagsaag iyo isa seeggaa ku dhisan yahay.

FG: Federaal waa hannaan maamul oo isagu khalad gaar ah malaha haddii si saaxi ah loogu dhaqmo ama uu ka tarjumayo baxaalliga iyo danaha dalka qaadanaya.

Hadalsame Media