”Haddii aan sidan ku soconno waxaan noqonaynaa Somalia cusub!” – RW hore ee Lubnaan oo dadkiisa u digey (Lubnaan ma tahay meel la cowryo?)

0

(Beyruut) 30 Agoosto 2020 – Kooxda United for Lebanon (UFL), oo ah kuwo ka kooban qareenno usoo jeestey la dagaallanka musuqa la degey Lubnaan, ayaa gudbiyey kiis dacwadeed ugub ah todobaadkan, kaasoo ka dhan ah 28 garsoore, wasiirro dowladeed, taliyeyaal ciidan iwm.

Waxaa kiisaskii ay kooxdani horay usoo gudbiyeen ka mid ahaa xasaraddii qashinka oo dalkaasi maarayn kari waayey, ku takri falka hantida dadwaynaha iyo kiisas la xiriira xuquuqda aadanaha.

Haddaba, RW hore ee Lubnaan Marwan Hamadeh — oo ah xubintii ugu horreeysey Baarlamanka Lubnana ee is casila kaddib qaraxii Beyruut — ayaa shaki ka muujiyey taageerada dibedda gaar ahaan midda Midowga Yurub, balse wuxuu soo dhoweeyey kiisaskan iyo tillaabooyinkan sharciga ah.

“Waxaan qabaa in aannu meel uun ka bilowno waana taageersan ahay hindisahan,” ayuu isaga oo Beyruut jooga ku yiri TRT oo Turkiga laga leeyahay.

“Haddii aynaan horay u socon oo aanu garsoorku noqon qayb muhim ah oo lagu shaqeeyo, waxaan noqon doonnaa Somalia cusub todobaadyo yar gudohood.” ayuu daba dhigay, isaga oo ka mid noqday madax ka talisa dalal Carab u badan oo badiyaa Somalia soo hadal qaada marka ay doonayaan inay dadkooda ku xuuxiyaan arrin xanuun badan.

Waxaa intaa dheer, in Lubnaan uu yahay dal fashilmay oo si kasta u kala daadsan wajhad qaranna aan lahayn, iyadoo ay dadwaynuhu u kala qaybsan yihiin 3 baloog oo waawayn oo kala ah Sunni, Shiico iyo Masiixi uu mid walba ogol yahay faragelinta ciddii isaga ku ayni ah tan iyo 1980-meeyadiina qalalaase iyo khilaaf ku jirey, sidaa darteed aanay jirin wax badan oo ay Somalia maanta ku cowrido.

Hadalsame Media