MA DURBA: Imaaraadka oo Israel ku casuuntey inay qabsato dhul uu leeyahay dal Muslim ah & Somalia oo….

0

(Tel Aviv) 30 Agoosto 2020 – Imaaraadka iyo Israel ayaa ka wada shaqaynaya qorshe ay saldhig uga samaysanayaan Jasiiradda Socotra oo haatan ka tirsan Yaman, sida lagu faafiyey JForum, oo ah web ay leeyihiin Yuhuudda Faransiiska ku hadasha.

Labada dhinac ayaa beri dhowayd xiriir rasmi ah yagleeyay waxayna durba bilaabeen tillaabooyin dhowr ah waxaana ka mid ah qorshe saldhig sirdoon looga samaynayo jasiiraddan oo dhacda Badda Soomaalida, taasoo 350 km koonfur kaga beegan Yaman, balse aad ugu dhow Somalia.

Israel iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay halkaa u degayaan si ay xogo uga helaan Khaliijka oo idil, Gacanka Cadmeed, Bab Al-Mandab iyo Xitaa Geeska Afrika oo uu ugu horreeyo dhulka Soomaalida oo ah mid caadiyan juqraafi ahaan magacaa ugu habboon, isla markaana xeebta ugu dheer ka haysta, iyaga oo ku sugan Socotra oo ay Imaaraadka sharci darro ku haystaan.

Sida warku sheegayo, waxaa halkaa durba tegey saraakiil ka kala socda Imaaraadka iyo Yuhuudda, iyagoo isla eegay halka ku habboon saldhig sirdoon.

Waxaa cajiib ah in sababta aysan Imaaraadku abid xiriir ula yeelan Israel ay ahayd iyaga oo ku diidanaa inay haysato dhul Carbeed ama Islaam, balse haatan ay ku qalqaalinayaan inay qabsato dhul Carbeed.

Dadka yaqaanna xiriirka caalamiga ah ayaa dareensan in heshiiska labada dhinac uu ilaa haatan ku socdo sida ay Israel, oo aan waxba ka tanaasulin, ay doonayso ama dani ugu jirto iyada oo haatan galaangal u yeelanaysa Badda Cas oo ah bad ay 100% gacanta ku hayeen dalal Muslim ah, iyada oo aanay muuqanin wax awal seegganaa oo haatan usoo krodhay Imaaraadka.

Arrintan ayay tahay inay DF Somalia isha ku hayso, maadaama uu Imaaraadku dalal kale ku casuumayo dhul uusan isagu sharciyan lahayn oo ay taasoo kale Somalia lafteeda ka samayn karaan.

Hadalsame Media