RASMI: Qatar Airways oo Muqdisho ka bilaabaysa duullimaadyo toos ah (Imisa jeer todobaadkii?)

0

(Dooxa) 30 Agoosto 2020 – Diyaaradda caalamiga ah, Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday dib u bilaabashada duullimaadyo saddex toddobaadle ah oo ay ku tageyso Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho, laga bilaabo Sebtember 6, 2020.

Adeegga Magaaladda caasimada ah ee Soomaaliya waxaa maamuli doona Airbus A320 oo leh 12 kursi fasalka ganacsiga iyo 120 kursi fasalka Dhaqaalaha.

Doha Airways ayaa adeeg nuucaan ah ka bilowdey dalka Jabuuti bishii hore.

Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa horseeday soo kabashada safarka hawada ee caalamiga ah iyada oo ay shirkaddu dib u dhis ku sameynsay adeegeeda gaar ahaan shabakadeeda in ka badan 85 duulimaad oo ku kala yaal shanta qaaradood.

Dib u bilaabashada duulimaadyadda saddex toddobaadlaha ah ee Muqdisho, Soomaaliya, waxay calaamad u tahay sida Qatar Airways Afrika ugu sii fideyso.

Marka lagu daro Magaaladda Muqdisho, shirkadda ayaa sameyn dooonta 40 duullimaad oo toddobaadle ah kuwaas oo qaaradda ku baahsan illaa sagaal meelood oo ay ku jiraan Addis Ababa, Dar es Salaam, Jabuuti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar.

Madaxa fulinta shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways Akbar Al Baker ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan dib u bilawno duullimaadyadda aan ku tageyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa loo arkaa inay tahay Magaalada ugu dadka badan Soomaaliya, duullimaadyadeena, rakaabku waxay ku raaxeysan doonaan shabakadda Qatar Airways. Rakaabka Diyaaradda Qatar Airways ayaa ka faa’iideysan doona shabakadeena caalamiga ah ee ballaaran ee Aasiya, Australia, Yurub iyo Mareykanka.”

“Qatar Airways waxaa ka go’an inay siiso iskuxir caalami ah suuqyada Afrika iyada oo la beegsanayo goobo cusub oo ay weheliso in si deg deg ah dib loogu bilaabo adeegyadii loo hakiyey cudurka Covid-19 dartiis.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Odawaa

Hadalsame Media