Goorma ayuu Imaaraadka tegayaa duullimaadka ugu horreeya ee isku xiraya Tel Aviv-Abuu Dabeey? (Yaa ka mid ah dadka la socda?)

0

(Tel Aviv) 08 Agoosto 2020 – Wefdi ka kooban Israeli-Maraykan ayaa raaci doona duullimaad rayid ah midka ugu horreeya ee dad caadi ah u kala qaadaya Imaaraadka-Israel kaasoo lagu wado inuu tago caasimadda Imaaraadka ee Abuu Dabeey isagoo ka imanaya Tel Aviv, Isniinta.

Jared Kushner, oo ah Lataliyaha Donald Trump oo sidoo kale soddog u ah, ayaa xaqiijiyey inuu duullimaadkaa raaci doono, isaga oo uu wehliyo Lataliyaha Amaanka ee Robert O’Brien.

War kasoo baxay Xafiiska RW Israel ee Benjamin Netanyahu ayaa isna sheegaya inuu wefdiga dhanka Israel uu hoggaamin doono Lataliyaha dhanka Amaanka Meir Ben Shabbat oo ay la socdaan wax lagu sheegay “wefdi xirfadleey ah.”

Waxay Abuu Dabeey iyo Tel Aviv ka wada hadli doonaan umuuro dhowr ah oo khuseeya min dayuuradaha, dalxiiska, ganacsiga, caafimaadka, tamarta ilaa amaanka iyo tiknolojiyadda, sida uu sheegay Xafiiska Netanyahu.

Israel iyo Imaaraadka ayaa heshiis rasmi ah ku dhawaaqay 13-kii Agoosto, waxaana heshiiskaa ka mid ah in la furo duullimaadyo toos ah oo isku xiraya labada dhinac, gaar ahaan Abuu Dabeey iyo Tel Aviv.

Hadalsame Media