Turkiga oo 172 gaari oo gaashaaman ka iibiyey dalka Cumaan (Muuqaallo cajiib ah oo ay leeyihiin)

0

(Ankara) 28 Agoosto 2020 – Sharikadda Turkish-ka ah ee agabka ciidanka sameeysa ee FNSS Defense Systems ayaa gawaarida gaashaaman ee Pars III 8×8 iyo Pars III 6×6 u daabulay Ciidanka Lugta ee dalka Cumaan taasoo qayb ka ah qandaraas la kala saxiixday 20-kii Sebt. 2015-kii, halka dufcaddii 1-aad la siiyey Luulyo 2017-kii.

FNSS, oo hubka dhoofisa ayaa ilaa haatan 172 gaari oo kuwa gaashaaman ah oo 13 nooc ah u daabushay dalka Cumaan, iyada oo ay sharikad maxalli ihi ay Cumaan ka caawin doonto dhanka kabka.

Noocyada Pars ee Cumaan la siiyey ayaa iskugu jira gawaarida uu tooreetkoodu kala yahay 25-mm, 30-mm iyo 12.7mm oo ah mid rimuut lagu hago oo qaadi kara madfac 120mm ah, sidoo kale gawaarida aambalaasta, kuwa talisku isticmaalo, kuwaa raadaarka qaada, kuwa sirdoonka, kuwa ciidanka uga diga halista kiimikada, bayolojiga iyo nukliyeerka (CBRN) + kuwa dayactirka iyo cillad bixinta.

Gawaaridan Pars oo ah 6×6 miinada u gigsada ayaa waxaa sidoo kale lagu qalabaynayaa Ciidamada Turkiga marka la gaaro 2021-ka, iyadoo ay shirkaddani FNSS ay $374 milyan oo doollar ay 2019-kii ka heshay hub ay ka iibisey dalal kala duwan oo ka iibsadey 4,000 oo gaari dagaal.

Hadalsame Media