DAAHA GADAASHIISA: Xarig-jiid Dhuusamareeeb ku dhexmaray MW Farmaajo & Madaxa maamullada qaar oo hadda la kashifay!

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2020 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa kashifay inuu isagu qabey ra’yiga ah in la qabto doorasho ”qof iyo cod ah”, balse ay arrintaa gaashaanka u daruureen  seddaxdii maamulladiii ee tegey shirkii Dhuusamareeb-3.

Wuxuu Gudodonku intaa daba dhigay in Maamul goboleedyada kala ah; Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sida uu yiri diideen inay arrintaa ka tanaasulaan, tiiyoo ay Madaxtooyada iyo isagu isku dayeen inay is bedelaan, balse ay markii dambe iyagu tanaasuleen.

“Madaxda DF Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu qorshahoodu ahaa in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay kasoo horjeesteen madaxdii Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed” ayuu yiri Filish.

Qorshaha ay Madaxtooyadu wadatey ee ahaa in la qabto doorasho ”qof iyo cod ah” ee xitaa keenay in la tuuro RW Xasan Cali Khayrre oo muhiimad wayn u lahaa xukuumadda lagu naanayso Nabad iyo Nolol, ayaa meesha ka baxay xilligii Shirkii  Dhuusamareeb 3, kaasoo laftiisu halis ku jira oo ay dhici karto in la rafoco kaddib shir kale oo Muqdisho ka dhici doona, lama se hubo inay aqbali doonaan maamulladii joogey shirka 3-aad.

Hadalsame Media