”Dagaal baan diyaar u nahay!” – Maliishiyaadka Xaftar oo diidey xabbad joojin loogu baaqay xilli ay maraakiibta dagaalka…

0

(Benghazi) 24 Agoosto 2020 – Hoggaamiye kooxeedka Khalifa Haftar ayaa diidey soo jeedin ka timid Dowladda Libya (GNA) oo ahayd in gebi ahaanba dalkaa laga hirgeliyo xabbad joojin, isagoo ku dooday inay GNA qorsheynayaan weerar ka dhan ah Sirte iyo Jufra.

Xabbad joojinta uu ku baaqay RW Fayez Sarraj waa mid lagu doonayo in “indhaha carro looga shubo LNA,” sida uu yiri afhayeenka maliishiyaadka Haftar ee Ahmed al-Mesmari.

Wuxuu intaa daba dhigay in ay Dowladda Libya diyaarinayso ciidamo weerar ku qaada In saldhigyada LNA ee Sirte iyo Jufra si ay u qabsadaan gobolka saliidda hodonka ku ah ee woqooyi bari.

“24-kii saacadood ee tegey waxaanu isha ku hayney maraakiibta dagaalka ee Turkiga oo usoo ruqaansanaya dhanka  Sirte, waxayna haatan taagan yihiin meel ay ka dagaallami karaan,” ayuu yiri afhayeenka oo tilmaamay inay iyaguna difaac u diyaar garoobeen.

Jimcihii ayuu RW Sarraj ku baaqay xabbad joojinta oo uu soo jeediyey in laga dhaqan geliyo guud ahaanba Libya, waxaana soo dhoweeyey dowlado ay ka mid tahay DF Somalia.

Turkiga & Qadar ayaa gacan siinaya Dowladda Libya oo ay heshiis amaan la galeen, halka Imaaraadka, Sucuudiga, Ruushanka, MASAR iyo Faransiisku ay la safan yihiin malliishiyaadka LNA.

Hadalsame Media