DILAA WAYN: Siyaasi siyaasadda ugu jira inuu khaarajiyo ama qallibo siyaasiyiinta kale oo biyo kulul ku jira & halka uu joogo (Interpol oo raadinaysa & dembiyada loo haysto)

0

(Ankara) 24 Agoosto 2020 – Sida la ogyahay Dowladda Turkiga ayaa Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL waydiisatey inay usoo qabtaan madaxii hore ee Fatax Mohammad Daxlaan oo la sheegay inuu yahay nin Turkiga ka dhex sameeyey shabakad halis ah oo sameeysa khaarajinta siyaasiga, sida uu faafiyey TRT.

Daxlaan oo haatan la taliye amaan ugu magacaaban dhaxal sugaha afar qaadleeynaya ee Abuu Dabeey, Mohamed Bin Zayed, isla markaana loo badinayo inuu yahay ninka dabada ka riixay xiriirka Imaaraadka iyo Israel, ayaa ah nin loo haysto dilal fara badan iyo mu’aamarado halis ah.

Daxlaan oo ay Dacwad Oogayaasha Turkigu ku dareen liiska madoow ee dembiilayaasha aadka loo doon doonayo isla markaana madaxiisa la dul dhigay 10 milyan oo liiraha Turkiga ah ($700,000) ayaa la sheegay in uu laba jaajuus oo Imaaraati ah, Samir Samih Shaaban, iyo Zakif Yusuf Hassan, u xil saaray inay daba galaan dadka Masaarida iyo Falastiiniyiinta ah ee ku dhaqan dalka Turkiga.

MAXAA KALE OO LOO HAYSTAA? 5 WAX KA OGOOW

1 – Daxlaan wuxuu ku eedeeysan yahay khaarajin lala maagganaa hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya, isagoo doonaya inuu Gaza ka rido dagaal sokeeye oo uu Maraykanku taageerayo.

2 – Daxlaan ayaa 2011-kii eedayn la xiriirta inuu khaarajiyey hoggaankii PLO Yaasir Carafaat isla markaana ka shaqaynayey afgembiga Maxamuud Cabbaad looga cayriyey dhaqdhaqaaqa Fatax.

3 – Siyaasigan fursadiistaha ah oo 58-jir ah ayaa faraha kula jira fadeexooyin caalami ah, iyadoo ay Turkigu $700,000 oo doollar siinayaan ciddii soo qabata, iyagoo u haysta inuu gacan ku lahaa afgembigii dhicisoobey 2016-kii. Waxaa uu sidoo kale ku eedeeysan yahay inuu ka shaqeeyey afgembigii uu Siisi xilka uga maroorsaday Maxamed Mursi ee dalka Masar iyo sidoo kale khaarajinta siyaasiyiin Yamani ah oo ay u direen Imaaraadku. Waxaa dheer inuu aad ugu guntadey fashilintii banaan baxyadii Gugii Carabta oo dagaallada qaar dagaallo sokeeye ka ridey.

4 – Wuxuu haatan ku nool yahay Imaaraadka isaga oo xasaanad ka haysta isagoo si gaar ah ugu dhow MBZ. Wuxuu sidoo kale jaajuus wayn u yahay sirdoonka caalamiga ah ee CIA-da Maraykanka iyo Mossad oo Israel ah, isagoo aad ugu han wayn inuu la wareego talista Falastiin si uu u dhiso nidaam daba-dhilif ah.

5 – Wuxuu ku dhex dhashay xero qaxooti oo ku taalla Marinka Gaza, isagoo taliye kasoo noqday ciidamada amaanka Falastiin, wuxuu sidoo kale la taliye amaan u ahaa Maxamuud Cabbaas (Abu Mazin).

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media