DHEGEYSO: Gabar Qardho loogu xirey xog ay Facebook ku faafisay oo waraysi bixisay (Sheeko dareen leh oo ay caan ku ahayd)

0

(Qardho) 24 Agoosto 2020 – Ruun Cali Cabdi-Kamas oo ah gabar uu maamulka Puntland u xirtay in ay faafisay (share) war lagu baahiyey bartan Facebook-ga ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay sababta xariggeeda iyada oo ay is arkeen Booliiska Qardho.

Waxay sheegtay inay sheekadu salka ku hayso daraasad uu wadey Mac’hadka Hayaan Institute, kaasoo uu Taliyaha Booliiska Qardho soo jeediyey in la joojiyo.

Kaddib waxaa barnaamijka oo duubnaa lagu faafiyey baraha bulshada. ”Aniga oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay fikirkana ka dhiibtey waxaan garowsaday inay khalad ahayd in la joojiyo barnaamijka.” ayay tiri Ruun.

Waxay intaa raacisay in 3 maalmood kaddib markii ay muuqaalka faafisay uu taliyuhu soo wacay isaga oo u sheegay inay khalad sameeysay oo ”sharciga lala tiigsanayo”, iyadoo sheegtay inay markiiba u sheegtay inaysan wax khalad ah ku kicin oo ay raadsadaan dadka sharciga jebinaya.

Waxay sheegtay in 5 maalmood kaddib iyada oo Radio Daljir ula tagtay qorshe lacag loogu ururinayo dad cuuryaamiin ah halkaa laga soo qabtay iyada oo jeelka lagu tuuray iyada oo aan loo sheegin sabab sharci ah oo loo xirey.

Ruun oo ah gabar uu wacyigeedu aynigeed ka sarreeyo isla markaana hadda kahor kusoo caan baxday sheekadii caawinta bisaddii bugtey, ayaa hadda lasii daayey iyada oo aan wax dacwo ah rasmiyan loogu soo oogin. Halkan ka akhri sheekada bisadda….

Somalia ayaa waxaa ka curtay nidaamyo ku tacaddinaya xorriyatul qowlka oo maalinba midda xigta usii ekaanaya nidaamyo kali talis ah, taasoo kasoo horjeedda Dastuurka Federaalka ah iyo midka Maamul-goboleedyada Somalia.

Tii ugu darrnayd waxay dhacday dorraad kaddib markii Xisbiga Mideeye lagu qabsaday sababta uu u taageeray Shirkii Dhuusamareeb, taasoo ay dad badani aad ula yaabeen.

DF Somalia ayaa looga baahan yahay inay arrimahan oo kale wax ka qabato oo ka dhiidhiso, waloow lafteeda mararka qaar lagu eedeeyo arrimo noocan oo kale ah.

Hadalsame Media