”Tareenka doorashada ee la yiri wuu dhaqaaqay wuxuu ku meeraysan doonaa Villa Somalia” – Dhegeyso

0

(Muqdisho) 23 Agoosto 2020 – Waxaa dhowaan la saxiixay heshiis lagu sheegay Dhuusamareeb 3 kaasoo ay kala saxiixdeen Madaxtooyada iyo maamullada Galmudug, KG, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, iyadoo ay qaaddeceen Puntland iyo Jubbaland oo war ay maalintii xigtey ay soo saareen ku sheegay inaysan qayb ka ahayn wax kasta oo halkaa kasoo baxay.

Haddaba, qodobaddii ka soo baxay shirkaasi sidee lagu hirgelin karaa? Sideese loogu qancin karaa dhinacyada ka maqan si loo helo doorasho ku dhacda qaab wadar ogol oo la isku waafaqsan yahay?

”Wuxuu u ekaa shir si uun loola cararayo oo tareen baa socday la yiri, balse tareenkaasi ila meerayso ayuu ku jirayaa.” ayuu yiri Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ah Madaxa Heritage.

Hoos ka dhegeyso VOA Somalia oo arrimahaa ka waraysatay Cabdirashiid Khaliif Xaashi, Madaxa Machadka Cilmi Baarista ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho.

Hadalsame Media