QOSOL QAMUUNYOOBEY: LA YAAB…. Lamaane loo haysto inay qarxiyeen arooskoodii

0

(Kabul) 23 Agoosto 2020 – Mirwais iyo Rehana oo arooskooda ka dhacayey caasimadda Afghanistan ee Kabul sanadii lasoo dhaafay ayaa lagu bartilmaameedsaday weerar ismiidaamin ah oo ay soo qaadeen kooxda Daacish kaas oo galaaftay in ka badan 90 qof oo ka mid ahaa martida arooska ka soo qayb gashay, sida ay sheegtay BBC.

Lamaanaha ayaa weerarka ku waayey qaar ka mid ah ehelkooda iyo asxaabtooda, waxa intaasi sii dheer in weerarka uu sameyn weyn ku heeshay caafimaadkooda dhanka maskaxda ah.

Todobaadkan waxay ku beegantahay sanad guurada weerarkaasi. Markii ugu horeysay Rehana, oo 18 jir ah waxay go’aan satay in ay ka hadasho wixii maalinkaas dhacay.

“Habeen walba waan ku qarwaa, “waan ooya oo ma seexdo, ” ayay BBC da u sheegtay.

Meelaha ay Dadka badan isugu yimaadaan ayaa cabsi galiya Rehana marka ay gaari ku socdaalayso. ” Marwalba oo aan maqlo dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada waxaan soo xusuustaa maalinkaasi, waxaana u malaynayaa in mar kale ay wax igu dhici doonaan”,ayay tiri.

Ehelada qaar ka mid ah dadkii geeriyooday maalinkaasi ayaa waxaa ay la yimaadeen fikrad ah in dibadbax lagu qabto banaanka dhismahii uu arooska ka dhacayey markii weerarka lala eegantay si ay caddaalad u raadsadaan. Balse Mirwais ma uusan ka qayb galin sida uu sheegay. Gacmihiisa ayaa bilaabay in ay jareeyaan inta uu ka fakarayey weerarka.

“Ka hor xaflada arooska waan faraxsaneen, “wax walba deg deg ayay ku dhaceen sida in uu cirkii soo dhacay oo kale. farxadeenii oo dhan ayaan halmar weynay. ” Ayuu yiri

Mirwais oo ka ciyaaraya arooskiisa ka hor inta uusan Qaraxa dhicin
Mirwais oo ka ciyaaraya arooskiisa ka hor inta uusan Qaraxa dhicin

Arooska lamaanahan ayaa loo beegsaday sabab la xiriirta in ay kasoo jeedeen shiicada laga tirada badanyahay ee Afghanistan, oo kooxda isku magacaawday dowladda Islaamiga ay u heystaan in ay lunsanyihiin. Dagaalyahanada IS ayaa weeraro is daba joog ah ku qaadaya dhawaanahan bulshada Shiicada ah.

Dhibaatadii maskaxeed ee weerarka kasoo gaartay Rehana iyo Mirwais, waxay ka sii dartay markii qaar ka mid ah ehelada ay ku eedeeyeen in ay masuul ka yihiin waxyeelada soo gaartay.

“Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo adeeganaya ayaa waxaan la kulmay haweneey ehelkeeda ku weysay arooskayga, “waxay iigu yeertay dilaa.”

Qaar ka mid ah qoysaska dhibanayaasha ku waxyeeloobay qaraxa waxay billaabeen in lamaanaha ay u arkaan cadowgooda. Mirwais ayaa sheegay in ay qasab ku noqotay in ay xiraan mehradooda xadgudubyada ay la kulmayaan awgood.

Rehana ayaa sidoo kale la bartimaameedsaday, oo dadka qaar waxaa ay leeyihiin hadii aysan lamaahan is guursan lahayn weerarkaasi ma dhici lahayn. ” qof walbaa aniga ayuu igu eedeynayaa wixii dhacay,” ayay ku tiri cod daciif ah. ” waan iska aamusaa oo waxba kuma jawaabo,” ayay intaa ku dartay.

IS oo masuuliyadda weerarka sheegatay ayaan awood sidaas usii buurneen ku leh Afghanistan marka lala bar bardhigo Taliban, balse kooxda ayaa fuliyey tobonaan weeraro ay dad badan ku dhinteen.

Bishii May waxaa lagu eedeyey weerar naxdin badnaa oo lagu qaaday qaybta dhalmada ee Kabul, halkaasi oo dagaalyahanada ay ku dhileen 24 haween, caruur iyo uur ku jir.

Horaantii bishan Daacish ayaa qabsatay xabsi ku yaalla magaalada bari ee Jalalabad, iyagoo halkaasi ka sii daayey boqolaal maxaabiis ah. Dhibaatooyinka ayaa imaanaya iyadoo kooxda lagala wareegay gacan ku heynta dhun islamarkaana laga xir xiray saraakiil sar sare.

Qaraabada oo kusugnaa banaanka hore ee cisbitalka bishii August sanadkii hore
Qaraabada oo kusugnaa banaanka hore ee cisbitalka bishii August sanadkii hore

Rehana iyo Mirwais, xasilooni la’aanta ayaa ku qasabtay in ay waaya aragnimadooda ku sii noolaadaan.

” Todobaadyo ka dib arooska waxaa uu qarax kale ka dhacay qayb kale ee Magaalada ka mid ah, xaaskayga aad ayay u cabsatay ,” ayuu Mirwais sheegay.

Rehana waxaa ay haatan kalmaati kala fog fog ka qaadataa Dhaqtarka maskaxda, Waxay sheegtay in daaweyntan ay ka caawisay in ka yaraadaan jahwareerka iyo xannuunka weerarka iyo in ay iyadu masuul ka ahayd. ” waa ay ii wanaagsaneed in ugu yaraan aan dhibkayga la qaybsado,” ayay sheegtay

Dhaqtarkeeda cilmu nafsiga, Lyla Schwartz, ayaa la hadashay BBC da iyadoo la fadhida lamaanaha. Waxana ay tiri, Rehana hanaan taxadar leh. Balse marka uu qarax dhaco hadan dib ayay ugu noqonaysaa marxaladii hore.

Hoolka uu arooska ka dhacay Qaraxa ka dib
Hoolka uu arooska ka dhacay Qaraxa kaddib

Iyadoo sanad walba kumanaan qof ay dhintaan kuwa kalena dhaawacman dalka Afghanistan, qaar yar ayaa hela la talinta dhanka maskaxda. Waa dal uu liito caafimaadka, muhiim looma arko badqabka maskaxda Rehana iyo Mirwais, oo awoodi waayey in ay tagaan dhaqatiirta nafsiga ee gaarka ah ayaa ka faa’iideeystay midkan lacag la’aanta ah.

Wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Afghanistan iyo Taliban ayaa la filayaa in ay bilowmaan todobaadka soo aadan, balse dagaalka waa uu sii socdaa. IS qayb kama ahan wada hadalada. Rehana waxaa ay sheegtay in aan badqab lagu dareemi karin gudaha Afghanistan.

Ms Schwartz ayaa ku rajo weyn in ay lacago u ururiyaan lamahan si ay waqti ugu soo qaataan dalka dibaddiisa oo xooga ay u moogadaan qaraxyada oo uu ka midyahay kii arooskooda lagu bartilmaameedsaday.

Mirwais ayaa sidoo kale helay la talin dhanka maskaxda ah, balse sida Rehana kuma kalsoona aragtida nabadda.

“Kahor arooskayga, waxay dhihi jireen nabad baa iman doonta. Hadda sanad ayaa kasoo wareegtay, aawey nabaddii?” ayuu yiri

“Waan kuu sheegayaa, xitaa 10 sano kadib ma arkaysid nabad iyo xasilooga ka hirgasha Afghanistan.”

Hadalsame Media