2 sanadood kaddib oo uu dhamaanayo heshiis Turkiga u diidayey adeegsiga khayraadkiisa & tillaabooyin uu durba qaaday

0

(Ankara) 23 Agoosto 2020 – Turkiga qarash fara badan ayaa kaga baxa soo dhoofsiga tamarta, sannadkii la soo dhaafay keliya waxaa uu tamar ku kharash gareeyey 41 bilyan oo doolar, isaga oo gaas-ta ka soo dhoofsada Raashiya iyo Iiraan.

Muddo badan Turkiga hadaf waxaa u ahayd in uu baaritaan ku sameeyo ama sahansado tamar uu kaga maarmo tan uu dibadda kala yimaado, shirkado dhowr ah oo ajnebi ah ayuu u xilsaartay, balse waxba waa ka heli waayey oo ku hungoobay.

Waxa uu go’aansaday bal markaan in uu geeddiga hoggaanka u qabto, maraakiib shidaal baaris ah ayuu qaarna soo iibsaday kuwana isagu farsamadooda wax ka lahaa, sida markabka loogu magac daray Suldaankii soo xukumay boqortooyadii cusmaaniyadda Suldaan Maxamed Al-faatix, ahaana kii 7-aad ee boqortooyadaas1451-1481.

Sannadkii 2011-kii, ayaa lagu idleeyey dhismihiisa Kuuriyada koofureed. Qorshaha sahanka tamarta muddo koobanba Turkigu guul ayuu ka soo hooyey.

Madaxwayne Erdogan oo khudbadda jimcaha Turkida la hadlayey ayaa u sheegay, in baaritaankii ay ka wadeen badda madow ka heleen keyd gaas oo dhan 320 billion cubic metres, sidoo kale waxa uu sheegay in meelo kale ay ka wadaan baaritaan oo baddaa ah gaas-na lagu tuhmayo iyo tan Mediterranean-ka.

Halka lagu gaaro sannadka 2023, Turkigu tamarta uu dibadda kala imaan jiray waa ka maarmayaa, dadkiisana tamar ku filan waa helayaan, isaguna dibadda ayuu u dhoofin doonaa gaasta.

Sannadka 2023, waxaa ku eg heshiiskii Luusaan ee Turkiga ka mamnuucayey in uu isticmalo kheyraadkiisa dabiiciga ah. Waa sababta uu meelo badan oo dunida ah hardan joqoraafi siyaasadeed uga galay, xarumo ciidan oo dalkiisa ka baxsan u samaystay kuwa kalana hadda ugu raad joogo, si aan loogu soo dhiirran ama loo dhayalsan muruqiisa ama loo arko awood lama taabtaan ah.

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media