PSG VS BAYERN MUNICH: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Lisbon) 23 Agoosto 2020 – Waxaa caawa dhamaadka UEFA Champions League 2020 ku ballansan labada naadi ee Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich oo ku dheelaya Estádio da Luz oo ku yaalla caasimadda Lisbon.

Waxaa sida kusoo xirmaya fasal-ciyaareedkii ugu siraxnaa uguna dheeraa ee abid soo mara tartan Yurub ah, iyadoo ay labada naadi midina koobkeedii 1-aad raadinayso midna midkeedii 6-aad.

Dhanka PSG: Waxaa lagaa yaabaa inuu ka maqnaado qabtaha 1-aad ee Keylor Navas, oo la tacaalaya dhaawac dhanka muruqa ah. Marco Verratti ayaa soo laabtay iyadoo uu macallin Thomas Tuchel wajahayo go’aan ah inuu safo iyo in kale.

Dhanka Bayern: Jerome Boateng waa laacibka qura ee dhaawac looga welwelayo kaddib markii uu jug uga baxay kulankii nus-dhamaadka. Niklas Sule ayaana bedeli kara, waloow uusan weli ciyaar kusoo bilaabanin. Joshua Kimmich ayaa loo celin karaa khadka dhexe haddii Hansi Flick uu guddoonsado inuu Benjamin Pavard ka dheelsiiyo dadabka bidix ee daafaca kaddib markii uu dhaawac kasoo noqday.

Safafka laga yaabo

PSG: Rico; Kehrer, Silva, Kimpembe, Bernat; Marquinhos, Verratti, Paredes; Di Maria, Neymar, Mbappe.

Bayern: Neuer; Kimmich, Boateng, Alaba, Davies; Goretzka, Thiago; Gnabry, Muller, Perisic; Lewandowski.

Hadalsame Media