“Hayga TAGO!” – Haweeney ninkeeda iskaga fureeysa sababtii ugu yaabka badnayd

0

(Utter Pradesh) 23 Agoosto 2020 – Haweenay u dhalatay Dalka India ayaa Saygeeda ka dalbatay furriin, kaddib markii ay ka weysay khilaaf iyo in uu hadalka ku so celiyo marka ay wax ka codsato.

Haweneydan oo ku nool Magaalada Utter Pradesh ee wadanka Hindiya ayaa ninkeeda ka dacweesay maxkamadda iyaga oo isqaba 18 bilood kaliya, waxana ay galka dacwadda ku qortay in uu aad u liito oo uusan lahayn awood uu isaga difaaco ama ku diido waxa aan dan u ahayn.

Waxa ay Maxkamadda ka tiri “Ninkeygu iguma qeyliyo, mana i murjiyo xitaa, cuntada ayuu ii kariyaa oo guriga ayuu ila hagaajiyaa”. Waxa ay Intaa ku dartay

“Markasta oo aan qalad ka galo wuu i cafiyaa, Anigu waxaan rabaa inaa la doodo, Ma doonaayo nolol uu ninkayga wax walbo igu raacaayo”, Maxkamadda ayaa diidday codsigeeda furriinka, waxana fursad uu ku hadlo la siiyay Ninka oo sheegay in Xaaskiisa uu jeclayahay, ujeedka uu intaa u samaynayana ay tahay in uu farxad geliyo marwalba, Waxaana la go’aamiyay in dacwada dib loo celiyo, guddina loo saaro arrintan si labada dhinac ay xal uga keenaan.

Aragtidaada ka warran, Ragga Soomalida Naxariistan malaga helayaa?

Waxaa Diyaariyey: Jacfar Maxamed

Hadalsame Media