DAGAALKA BIYAHA: Maxaa Somalia uga diyaarsan? (Falanqayn xog ogaal ah)

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2020 – Xoghayihii hore ee hay’adda qaramada midoobay Boutros Boutros-Ghali ee xilka hay’addaas hayay sannadihii (1992-1996) wuxuu leeyahay odhaah ay xeel-dheerayaasha siyaasaddu adeegsadaan kolka ay ka hadlayaan muran-biyoodka dhawaanahaan soo if-baxay ee dunida.

Boutros-Ghali wuxuu yiri “dagaalka saddexaad ee dunidu wuxuu noqon doonaa mid salka ku haya biyaha.” Wuxuuna sii raaciyay in uu saadaalinayo in sannaddu markay tahay 2030-ka uu qarxi doono dagaal caalami ah oo salka ku haya biyo (biyaha macaan iyo badaha).

Haddaba, marka aan u fiirsano muranka ka dhex-taagan dalka uu Boutros u dhashay ee Masar iyo Itoobiya, laga soo bilaabo sannadku markuu ahaa 2011-kii oo ku beegan xilligii ay Itoobiya bilowday dhismaha biyo-xidheenka weyn, waxaynu oran karnaa waxaa muuqda ififaalo dirir dhinaca biyaha ah!

Haddii biyo-xidheenkaasu u fulo, sida ay Itoobiya damacsantahay, 70% shacabka reer Masar waxay noqonayaan sabool gacmo madhan ah.  Wabiga Niilkana, hogganka siyaasadeed ee Masar waxay u yaqaannaan ( MAS’ALAD XAYAAT Aw-MOWT) oo micnaheedu yahay in (noloshoodu ku xiran tahay, dhimasho ama nolol).arrin dhimasho ama nololi ku xidhantahay!

Wareysi aan dhagastay oo lala yeeshay raysul-wasaarihii hore ee Itoobiya “Hailemariam Desalegn” wuxuu sheegay in 67% shacabka Itoobiya ay ku noolyihiin mugdi koronta la’aan awgeed! halka 98% shacabka reer Masar ay isticmaalaan ilayska korontada laga dhaliyo biyaha ee ka dhaliyaan daamka weyn ee “AL-SAD AL-CAALI” ee la dhisay (muddadii u dhexeysay 1960-1968 – xilligaas oo uu xukunka hayey Jeneraaal Jamaal Cabdi Naasir). Alle haw naxariistee- muddadii xukunkii Jeneraal Jamaal Cabdi Naasir.

Labadaa aragti ee kala taagan labada cidhif waa mid keeni karta in uu qarxo dagaal salka ku hayo dano biyo. Dhinaca kale, Jumhuuriyadda Turkiya iyana waxay ku jirtaa hardan dhanka biyaha ah, waxay muran-badeed kula jirtaa Gariigga iyo Masarba.

Turkidu waxay dunida ku leeyihiin 7 saldhig oo kan ugu weyni ku yaal dalka Soomaaliya. Imminkana Turkidu waxay badhi-taadhaan dalka Liibiya, waana fursad dahabi ah oo turkida u suuragalisay in ay cagta saaraan -mar kale- Badda-Dhexe ee cad (AL-BAXAR AL-ABYAD AL-MUTAWASID) oo ay gacan-ku-haynteeda Turkiga ugu dambeysay xilligii uu hoggaanka Khilaafada Cusmaaniyiinta hormuudka u ahaa: Suldaan Sulaymaan Al-Qaanuuni (1522-1566).

Turkidu iyo Xabashida waxay ka mideysanyihiin aragtida oranaysa: dowladaha ay biyuhu ka soo burqadaan baa xaq u leh go’aan-ka-gaaridda biyaha, oo Turkiya waxaa ka soo burqada laba wabi ee kala ah( Al-Dijla iyo Al-Furaat), Itoobiyana waxaa ka soo burqada  Wabiga Niilka ee Buluugga ah (Blue Nile). Halka Masar, ay calanka u siddo aragtida oranaysa biyaha waxaa ka ariminaya dalalka uu ku shubmo; iyagoo dooddooda ku xoojinaya heshiisyo gumeystihii ingiriisku la saxiixday dalalka uu Niilku maro sannadihii ( 1891,1925,1929,1959) oo dhammaantood xaq siinaya dalka Masar oo la siiyay saami dhan:( 55 Milyaar Mittir Mukacab).

Dagaalka biyuhu Soomaalida raad ma ku yeelan karaan?

Aqoonyahan Kuweetiyaan ah oo la yiraahdo Fahad Al-Shuleymi ayaa sheegay in ciidan Soomali ah oo ay badhi-taarayaan xoogag Turki ah ay qabsan doonaan jasiiradda Suqaddara, ninka hadalkaa ka soo yeeray wuxuu ahaa  G/Sare ciidanka dalka Kuwait oo iminka  hawl-gab ah, wuxuu madax ka yahay xarun cilmi-badhis oo ka shaqeysa amniga iyo nabadda.

Heshiiska dalka Imaaraatku la galay Israa’iil wuxuu salka ku hayaa gacan-ku-heynta badda cas,  1993-kii markii ay Eretareeya ka go’day Itoobiya, Israa’iil way soo dhaweysay; sababtuna waxay ahayd: dalka Eretereya wuxuu noqday dalka kaliya ee aan Carab ahayn ee dhaca badda cas, Istiraatiijiyadda Israa’iil-na waxaa udub-dhexaad u ah biyaha, oo astaanta calankoodu wuxuu ka koobanyahay bisha Daa’uud oo muujinaysa diintooda Yuhuudda iyo sumad kaloo mince ahaan ka dhigan (MIN Al-Niili ILAA AL-FURAAT) oo ah dhulka ay Israa’iil damacsantahay in ay qabsato oo u dhaxeeya wabiga Niilka Masar ilaa wabiga Furaat ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Dowlad astaanteedu biyo tahay waxaanu dareemi karnaa sida ay  doonayso ineey qabsato oo ka arrimiso  marin-badeedka Badda-Cad-ee-Dhexe iyo Badda Cas.

Dhammaadkii bishii July ee sannadka 2020-ka shir ay golaha wasiirada JFS yeesheen waxay ku ansixiyeen heshiis ay wasaaradda arrimaha dibaddu la yeelatay dhiggeeda dalalka carabta ee kulaala badda cas, heshiiskaas – aniga fikirkaygu- waxay ila ahayd in laga fiirsafo; waayo ma habboona in aan noqonno gacan u adeegta dano dad kale oo aynaan aqoon!

Somaliland ayaa la saadaalinayaa in ay noqon karto meel ay Israa’iil iyo dadka danaheeda fuliya ay ku adeegtaan, waxaana madaxda Somaliland laga dhaadhiciyay in laga jari karo Soomaaliya inteeda kale. Waana riyo ay ku naawilaan inta gooni-u-goosadka ahi, joornaalka magaciisu yahay: “TheJerusalam Post” ayaa qoray faalo cinwaankeedu ahaa: “Israel and Somaliland long lost Brothers.” Oo macnaheedu noqonayo Israa’iil iyo Somaliland walaalo kala irdhoobay, waxay tusaale u noqon kartaa in Somaliland ay ka damacsantahay Israa’iil in ay noqoto dal kaloo sida Eritrea ugu soo biira badda cas!

Dalka aan dariska nahay ee Itoobiya ayaa dhawaanahaanba ku hawlanayd in dhisto ciidan badda ah, waa dal xiran oo aan bad lahayn; misana, dhisanaya cudud ciidan oo badda ah, halka JFS ayan lahayn weli ciidan xooggan oo dhinaca badda ah, arrinkaasu wuxuu u baahanyahay in aynu ka baaraan degno haddaanu Soomaali nahay, una diyaar garowno difaaca biyaha Soomaaliya, iyadoo xilliganba uu taagan-yahay muran badeed nagala dhexeeye dalka Kenya.

Talo soo jeedin

Haddaba, si aynu dagaalkaas dhinaca biyaha ah ugu diyaar garowno waxaan talo soo jeedin lahaa talo iyo tusaalayn ku aaddan biyaha Soomaaliya;

B. Dowladda Federalka Soomaaliya

  1. 1. In la dhiso cudud ciiddan oo ay u dhamaystiranyihiin wuxuu ciidan u baahnaa oo dhan dhinac aqoonayd iyo qalab ciidanba.
  2. 2. In la yagleelo xarun qaran ee cilmi-baadhista biyaha ah oo ka shaqeysa talo siinta dowladda dhexe iyo dowladaha xubinta ka ah ( dowlad-goboleedyad).
  3. 3. In la diyaariyo xeel-dheerayaal dhinaca badda ah, oo loo raadiyo ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo heer waxbarashada sareba iyo heerka labaad iyo saddexaadba ( Masters degree and Ph.D)
  4. 4. Dejinta qorshaha dalka oo dhan ee ku aaddan siyaasadda biyaha.

T. Jaamacadaha dalka ( Xarumaha Cilmi-baadhista)

  1. 1. Nasiib darro ma jirto Soomaliya -ogaalkay- jaamacad leh kulliyadda cilmiga badaha, waxaa loo baahanyahay in jaamacaduhu soo kordhiyaan takhasuskaas.
  2. 2. In jaamacaduhu furaan xarumaha daraasaadka biyaha oo ay soo saaraan cilmi-baadhisyo biyaha xiriir la leh;
  3. 3. In jaamacadaha dalku xiriir dhow la sameeyaan dhiggooda caalamka oo ay iska kaashadaan daraadka biyaha; tusaale ahaan waxaan Suudaan ku arkay xarun raacsan jaamacadda “Al-Niileyn” oo la yiraahdo ( xarunta  cilmi-baadhista ee dowladaha dhaca niilka) waa fikrad fiican oo jaamacadaha dalka ay hogo-tusaalayn ka soo maan-guurin karaan.

Gunnaanadkii dhambaalkaygan, waxaa ii muuqata khatar ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, oo ilaahay ku galladay bad iyo xeeb baaxad leh, dadkayguna ay yihiin kuwa moogayaal ah, anigoo rajeynaya in dhambaalkaygu noqdo baaq kicinaya dareen maqan iyo damac shisheeyoo miciyo-lisanaya! Rabbow wixii urkayga ku jiray ma sheegay!

Waxaa Qoray: Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed ( Ashkir) 

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland  Email: [email protected]

Hadalsame Media

Facebook Comments