MW Deni oo derbi ku meegaaran yahay, kulamo silsilad ah oo uu ku jiro & tillaabadiisa xigta

0

(Garoowe) 23 Agoosto 2020 – MW Puntland, Md Siciid Deni oo laba aflaay siyaasadeed galay marka la eego go’aamada uu 18-kii bilood ee tegey uu ku wajahayey DF Somalia ayaa kulamo kala duwan oo aan loo kala kicin la yeelanaya qaar ka mid ah geed fadhigga Maamulkaasi.

KULANKII 1-AAD – Wuxuu bilowgii Deni la kulmay MW hore ee Puntland sida Cabdiweli Gaas oo isaga ka horreeyey iyo Cabdiraxmaan Faroole oo fadhiyey casho sHaraftii lagu saxiixay Xeerka Doorashooyinka oo Puntland iska diiddey. Gaas ayaa la sheegay inuu Deni kula taliyey in uu si deggan xaaladda u wajoho isagoo u sheegay inuu lasoo daahay la tashigan.

KULANKII 2-AAD – Wuxuu isaga oo aan nasan Deni la kulmay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaan Goboleedka Puntland oo uu hor kacayo Afhayeenka Baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo u diyaariyey ilaa 20 xildhibaan kaddib markii ay kulankaa ka cudur daarteen in ka badan 30 xildhibaan.

Waxaa kulankan oo ay fadhiyeen MW Deni, 10 xildhibaan iyo 3 ka mid ah Guddoonka Golaha ayaan la hubin waxa talo ah oo nuxur leh oo kasoo baxay marka laga reebo inuu Guddoonku ballan qaaday inay taageeri doonaan go’aan kasta oo kasoo baxa Xukuumadda Puntland.

KULANKII 3-AAD – Wuxuu Deni la qaatay rag ay siyaasad ahaan isku aragti dhow yihiin oo uu ugu horreeyo Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire, waxaana uu Deni bandhigay inuu saaran yahay cadaadis siyaasadeed oo mug wayn kaddib markii ay siyaasadda wax kasta ”diideyda” ku dhisani ay cid kasta ka hor keentay, isla markaana loo baahan yahay wadiiqo looga boxo xaaladda cakiran iyo jeexitaanka istaraatijiyad howleed lagu shaqeeyo.

KULANKA 4-AAD – Waa mid loo ballamay 9-ka subaxnimo, waxaana uu la qaadanayaa Golaha Wasiirrada maamulkiisa. Waa kulan aan caadi ahayn oo ku qabsoomi doona Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda, waana halka lagu wado in lagaga arrinsando go’aanka ay Puntland ka qaadanayso Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay si aan la fahmi karin u qaaddacday. Waxaa dhici karta in shirka kaddib ay qabtaan shir jaraa’id oo uu ka hadli doono MW Deni laftiida.

Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa waxaa sii lumaysa saamayntiisa siyaasadeed, taasoo ay qayb ahaan dishey gooni socodnimo iyo go’aamo markasta kasoo horjeeda danaha guud ee dalka oo ay ku jiraan shacabka Puntland.

Hadalsame Media