DF Somalia oo markii ugu horreeysey soo dhoweysey go’aan kasoo baxay dalka Libya

0
(Muqdisho) 22 Agoosto 2020 – Somalia ayaa soo dhoweeysey xabad joojinta uu ku baaqay Baarlamanka dalka Libya oo sheegay in deg deg loo joojinayo dhamaan dagaallada ka soconaya geyiga Libya.
”DF Somalia waxay si diirran usoo dhowaynaysaa tanaasulka muhimka ah ee ay ku dhawaaqeen Dowladda GNA iyo Baaralamanka kaasoo ku saabsan in dhaqse loo hakiyo dagaal kasta oo ka jira dhulka Libya waana tillaabo wax dhisaysa oo dhanka wanaagsan loo qaaday.” ayuu u dhigan yahay war kasoo baxay Somalia.
Waxay Somalia dhinacyada ugu baaqday inay isku howlaan geeddi socod siyaasadeed si dalka loogu soo dabbaalo xal waara loona joojiyo colaadaha iyo dagaallada amaaan iyo xasilloonina ay ugu wada noolaadaan walaalaha Libya.
Waxay Somalia dhinacyada ay khuseeyso oo dhan u jeediyey inay ka dhabeeyaan dhaqan gelinta heshiiskan si loo dhowro midnimada, madax bannaanida loogana wada shaqeeyo mawaafaqada dadka Libya.

Waa markii ugu horreeysey oo ay Somalia si rasmi ah uga hadasho dagaallada Libya.

Hadalsame Media