”Ama Somalia xiriir wanaagsan la yeesha ama suuq kale noo sameeya!” – Jaadlayda Kenya oo furka ku xooray Dowladda Kenya & arrinta oo Xildhibaanno gaartey

0

(Nairobi) 23 Agoosto 2020 – Xubnaha Baarlamaanka degaanka Igembe ayaa ku baaqay in xal waar ah loo helo is mari waaga ku saabsan Jaadka ay Somalia u dhoofiyaan.

Xubnahan oo ka kooban 22 oo laga soo kala doorto Igembe Central, Igembe South iyo Igembe North ayaa soo jeediyey in ay Dowladda Kenya isku daydo inay xitaa Jaadka u iib gayso dalalka Afrika si looga kabto suuqa Muqdisho ee aan fadhin.

Jamciyadda Jaadlayda Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) ayaa Dowladda Kenya ku cadaadinaya in ay ugu yaraan ogolaadaan furitaanka xadka si ay Jaad dhan ilaa 20 tan uga iibiyaan Soomaalida xadka u dhow, balse taana laguma guulaysan.

“Qorsheheennu waa inaan Jaadka u iib gaynaa magaalo xuduudeedyada Mandeera, Elwak, Kiunga, Dagare, Kolbiyow, Dif iyo Xagardheer. Soomaalidu diyaar bay noo tahay balse Dowladda Kenya ayaa diiddan inaan xadka ka ganacsanno,” ayuu yiri Guddoonka Nyamita, Kimathi Munjuri.

Adamson Muriki ayaa sheegay in Gobolka Meru uu durba dareemayo culayska dhaqaale ee arrrintan ka dhashay.

“Ma ogolaan doonno in Jaadka loo adeegsado olole siyaasadeed ahaan. Dowladdu waa inay u istaagtaa xasilinta suuqa Jaadka sida badeecooyinka kaleba,” ayuu yiri Mr Muriki.

Wuxuu ugu baaqay MW Uhuru Kenyatta inuu joojiyo murannada joogtada ah ee diblomaasiyadeed ee uu la galo Somalia, taasoo dhaawacaysa iibka Jaadka ee Somalia.

“Haddii ay dowladdu suuqyo kale noo samayn lahayd, hal iibsade (Somalia) kuma xirnaan lahayn. Qoysas badan ayaa maanta faqriyey oo aan xitaa ilmohooda iskuulka ka dhiibi karin marka dib loo furo,” ayuu daba dhigay.

Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa Talaadadii sheegtay inay arrintan kala hadlayso Somalia si loo helo wadiiqo lagu caadiyeeyo iibka Jaadka.

Somalia ayaa haatan 100% ah suuqa qura ee micne leh ee ay Kenya haysato, taasoo Somalia siisay fursad ay markii ay doonto ku siyaasadayn karto Jaadka oo si kastaba halis ba’an ku haya habka dhaqan-dhaqaale ee Somalia.

TO GO WITH STORY BY JUDITH EVANS
(FILES) A file picture taken on July 23, 2013 shows Kenyan khat traders sorting their produce from their farms and awaiting consumers in a market in Nairobi. a man holding khat in Nairobi. Khat, also called miraa, has been chewed for centuries in the Horn of Africa. Its psychoactive ingredients, cathinone and cathine, are similar to amphetamines but weaker, and can help chewers stay awake and talkative. When Britain bans the herbal stimulant khat, Mohamod Ahmed Mohamed will lose his livelihood. But he fears most for his small Somali community without the leaf that fuels its social life. AFP PHOTO/SIMON MAINA

Hadalsame Media