Fal-gal silsilad ah oo ka dhalanaya heshiiska Imaaraadka-Israel, cidda ka dambaysa ciidamada Badda ee ay Itoobiya dhisanayso & dhibka Turki, Iiraan & Somalia kasoo gaari kara is dhiibidda Carabta

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2020 – “Carabtii cambuurrada xumayd ciidmi mahayaan”. Israa’iil si buuxda ayay u ga adkaatay Carab.

La walaalooobidda Imaaraadku kediso ma ahayn ee waa fulinta qorshe ballaadhan oo in badan la ga soo shaqeeyay, Carabta badankeeduna waa ay ku la jirtaa. Sidaa darteed ma aha bilowgii jabka Carabta ee waa dhammaystir. Labadaa dawladood Khamiistii bay caddeeyeen in ay ku heshiiyeen heer wal iyo dhinac kasta oo iskaashi.

Shalay Abuu Dabay waxaa ka dagay taliyaha sirdoonka Israa’iil Yuusi Koohiin oo hormuud ka ahaa hawlgalkii isdhiibidda Imaaraadka.

Wax uu ka la hadlayaa amniga iyo gaashaandhigga, waxaana la wada qorshaynayaa sida ay Israa’iil u hubayn doonto Carabta Gacanka iyo sidii ay kaalin weyn u gu yeelan lahayd biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, loo gana gudbi lahaa gobolkaasi in uu ahaado marin Muslin iyo Carbeed. Dalal ay Itoobbiya ka mid tahay ayay Israa’iil arrinkan la kaashanaysaa, waana sababta Itoobbiya u dhisatay ciidan badeed aan bad lahayn.

Warqad rasmi ah oo Israa’iil ka soo baxday baa taa la gu sheegay. Isla warqaddaa waxaa la gu sheegay Israa’iil in ay Carabta Gacanka u dhisi doonto iskaashi difaac oo ay iyadu hubayso.

Warshadaha hubka ee Israa’iil durba wax ay diyaarinayaan hubka la ga iibin doono Carabta, kaas oo beddeli doona hubkii ay dunida kale ka soo urursan jireen. Hadafku waa lacagta, illayn hubka in ay Israa’iil u iibsanayaan baa la isku ogaaye.

Sidoo kale suuqyada Gacanka Carabta waxaa qarqin doona waxsoosaarka Israa’iil. Raysalwasaaraha Israa’iil wax uu dheegay in Imaaraadku dalkiisa gashan doonaan maalgashi laxaad leh. Heshiisyada durba sida degdegga ah u hirgalayna waxaa ka mid ah dayuuradaha Imaaraadka oo si xawli leh labada dal isaga gooshi doona iyaga oo maraya hawada Sacuudiga.

Halkaa waxaa ka muuqata bidhaan sheegaysa in awooddii Ingiriis haddana Maraykan gobolka ku haysan jireen maanta Israa’iil u wareegayso. Weliba tani labadaa hore wax ay ka ga duwan tahay waa quwad bulsho ahaan gobolka deggan.

Taariikh cusub baa horteenna ku qormaysa ay Yuhuuddu jilayso. Isbeddelkan cajabta leh cidda kowaad ee wax ku waayaysaa waa Turkiga iyo Eeraan oo ah laba quwadood oo soo koraya oo doonaya in ay Caalamka Islaamka dib u abaabulaan.

Labadan dawladood mid waliba dhankeeda wax ay ku hammiyaysaa in ay maamullada maqaarsaarka ah ee dalalka Carabta ka jira daadiso kana soo dhex saarto quwad horusocod ah oo rumaysan in reer Galbeed iyo Israa’iil la iska dafciyo.

Dabcan meesha ka ma maqna labadaa dawladood in ay doonayaan in ay iyagu noqdaan baarqabka Muslinka. Waa labadaa sababood waxa maamullada Carabtu Yuhuudda isu gu dhiibayaan.

Isbeddelkani saamaynta uu Soomaalida ku yeelanayo waxaa u gu yar taa imikaba taagan. Arrimaha Soomaalida ee cakiran, curyaaminta dawladda dhexe, horjoogayaasha gobollada ee awoodda badan, faragalinta deriska, intaba sababteeda u gu weyni waa gufaacada ka soo dhacaysa foolashada siyaasadaha kor ku xusan.

Taa waxaa ka dhalan kara natiijooyin u baahan in la sii oddoroso.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media