”Dunida ka shaqayn maayo xiriir ka dhexeeya laba gobol ee haku daalina” – Shiinaha oo war rasmi ah soo saaray

0

(Beijing) 18 Agoosto 2020 – Shiinaha ayaa si adag uga hor yimid xiriirka tooska ah ee labada gobol ee Taiwan iyo Somaliland kaddib markii ay labada dhinac xafiisyo is dhaafsadeen Isniintii.

”Dunidu waxay taqaannaa hal Shiine halka Taiwan ay tahay gobol ka tirsan geyiga Shiinaha,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka dalkaasi Zhao Lijian oo warbaahinta war siiyey.

”Mabda’a hal Shiine waa hab-dhaqameed siyaasi ah oo caalamka looga dhaqmo marka la eego xiriirka caalamiga ah waana arrin ay heshiis ku tahay beesha caalamku.” ayuu daba dhigay Md Zhao.

Wuxuu intaa raaciyey in isku day kasta oo uu Xisbiga Isbedeldoonka ah ee DPP uu ku hollinayo inuu ku qaybiyo Shiinaha uu fashil ku dhamaan doono, sida uu carrabka ku adkeeyey Zhao.

Hadalsame Media