GO’DOON: ”Waxaa dhexda na gashaday DF & kooxda Al Shabaab” – Daily Nation oo qoray faallo uu sidoo kale ku sharraxay DANTA rasmiga ah ee Kenya

0
Army combat helipcoters during Operation Linda Nchi. The Operation is a joint services campaign involving the Army , Air Force and Navy

(Nairobi) 18 Agoosto 2020 – Kaddib 47 sanadood oo ay Kenya adeegsanaysey diblomaasiyad qaboow iyo nabad dhisid, waxaan 10-kii sanadood ee tegey faraha la galnay dagaal qaraar oo qaali ah, ayuu maqaal dheer ku bilaabay The Nation.

Oktoobar 16, 2011, dadka Kenyan-ku waxay hurdada ka keceen iyada oo uu ciidanka KDF weerar ku qaadeen koonfurta Somalia kaasoo loogu wanqalay magaca Operation Linda Nchi si loo cayrsado Al Shabaab kaddibna xayndaab amaan ah oo ay Kenya saamayn ku leedahay looga sameeyo Jubbaland. 

Waxay daba ordayeen, sida ay ku qiil samaysteen, dalxiisad British ah, Judith Tebbutt, iyo laba kale oo Spanish ah – Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut – oo loo qafaashay dhanka Somalia, kuwaasoo bilo kaddib madax furasho lagu fasaxay.

Kenya oo ay Somalia ku qabsadeen weerarro halis ah sidii kii Ceel Cadde, Jannaayo 15, 2016, oo dagaal 10-saacadood socdey ay kooxda Shabaabku dul martay xeradii dhamayd ee ciidanka Kenya, wuxuu howlgalka KDF 10-jirsan doonaa muddo 6 todobaad ah kaddib.

“Sharciyadda AMISOM ma aha nabad ilaalin. Ma jirto nabad la ilaaliyaa. Waa nabad dhalint,” ayuu yiri Abaanduulkii xilligaas ee Ciidanka KDF, Julius Karangi.

Nabadi ma jirto

”10 sanadood kaddib, nabaddaas uu Jen. Karangi ka hadlayey weli lama hayo. Al Shabaab waxay doonayaan inay Kenya ka baxdo Somalia, balse Kenya taa ma ogola marka la eego ”dano siyaasad-dhuleed” oo ay Somalia ka leedahay iyo qab qaran oo la dhowrayo,” ayuu ku dooday The Nation oo sababayna joogista KDF.

The Nation ayaa warbixinnada soo socda ku eegi doona sababta ay AMISOM uga wada guulaysan la’yihiin una tirtiri la’yihiin Shabaabka, qayb kale oo uu ku eegi doono Kenya oo uu sheegay inay ku dhex go’doontay DF Somalia iyo kooxda Shabaabka iyo sida ay Kenya u qorshaynayso qaab ay mushkiladdan uga lug baxdo.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media