WEBIGII DABKA: California oo ay ku dhufatay duufaan-dabeed daruuraha duubaysa & dadka oo la yaabban (Daawo)

0

(California) 17 Agoosto 2020 – Gobolka California ayaa todobaad dhamaadkii isu rogey meel cabsi badan kaddib markii uu is qabsaday hillaac iyo gugac markii dambe isu bedeley duufaan daruurta duubaysa, kuwaasoo ay qaarkood dab qabadsiiyeen meelo ay ka mid tahay Dooxadii Geerida (Death Valley) kaddib markii uu heerkulku cirka isku shareeray.

Hillaaca iyo duufaanta dab dhaliska ah ee California ayaa keentay inay meelaha qaar korontadu ka go’do sida meelaha u dhow Gacanka San Francisco.

Maamulka gobolka ayaa ku guulaystey inuu xakameeyo dabka kacay 12%, iyada oo kumanaan dad ah laga daad gureeyey woqooyiga California.

Qiyaastii 4,500 oo guri ayaa halis ugu jira inuu qabsado dab-duureedka ay duufaantani kicisay, iyadoo duufaantan oo loo yaqaan “duufaan-dabeed” ay xaaqday meelo badan oo ka mid ah woqooyiga harada Lake Tahoe.


Hadalsame Media