”Xaaskaygu horteeyda ayay ku xaraarugtey!” – Nin lagu ag xirey sariirtii ay xaaskiisu ku sakaraadaysey (Qiso qamuunyo badan)

0

(Kirkuk) 17 Agoosto 2020 – Maxamed Kariim waxaa lagu xirey qarka sariirtii ay xaaskiisu ku sakaraadaysey, weliba waxaa sidaa ugu tacadiyey Isbitaalka Kirkuk oo uu xaaskiisa kula jirey.

Ninkan ayaa wuxuu soo galay 3 dhululubo oo kuwa igsijiinka ah, si loogu xiro marka ay xaaskiisu neef-siin u baahato.

Yeelkeede, shaqaalaha Isbitaalka ayaa xoog uga qaatay laba xabbo taasoo keentay inuu dagaallamo oo uu meeshii foowdo ka rido.

Waxaa deeto loogu yeerey booliiska oo goobtii soo gaarey, kuwaasoo Maxamed ku xirey qarqarka sariirtii ay xaaskiisa jirrani jiiftey.

”dhululubadii uu ogsijiinku ku jirey way sii maranaysey ilaa ay ka dhamaatay. Xaaskaygu horteeyda ayay ku naf baxday aniga oo aan xitaa hab siin karin.” ayuu ku cataabay Maxamed oo ilmaynaya.

Kaaga darane isbitaalkii ayaaba dacwo isaga u raacday iyagoo isku toosiyey qiil ah inuu jebiyey hal neef-siiye oo uu isbitaalku lahaa, balse waxaa cadaatay inuu horay u jabnaa.

Isbitaalka oo hadda wajahaya carada dadwaynaha oo tacaddigan ka war helay, waxayna taasi keentay inay lasoo laabtaan dacwaddii ay galeeyeen ee ka dhanka ahayd dhibbane Maxamed.

Hadalsame Media